Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (FGS) ayaa ku ammaantay tallaabada ay qaadeen madaxweynaha Somaliland Musa Biixi si uu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka. War saxaafadeed ay soo saareen Villa Somalia, ayuu sheegay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu sheegay in ay tixgelinayaan tallaabada “tallaabo horumarineed oo ku socota jihada saxda ah” waxana uu ballan-qaaday xaqiijinta xiriirka cusub ee la leh Somaliland “wuxuu keenayaa natiijooyin la taaban karo”.
Dhanka kale, wuxuu yiri “FGS waxay aqoonsan tahay dadaalka dheeriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abi Axmed sida uu u doonayo inuu sii xoojiyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika, oo ay hoggaaminayaan Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea”. Qoraalkan ayaa sidoo kale xaqiijiyay taageerada FGS “dadaal kasta oo loogu talagalay raadinta xoojinta iskaashiga iyo abuurista jawi wanaagsan oo loogu talogalay xasiloonida iyo barwaaqada gobolka”.