Home Afsomali Deegaanka Daarusalaam oo si weyn loogu Dabaal Dagay Munaasabadda Ciida. ...

Deegaanka Daarusalaam oo si weyn loogu Dabaal Dagay Munaasabadda Ciida. DAAWO SAWIRADA )

Kumanaan isugu jira waayeelo dhalin yaro iyo caruur kakooban rag iyo dumar ayaa isugu soo baxay masjidka weyn ee xaafada daaru salaam ee magaalada muqdisho si ay u oogaan salaada ciidul fidriga

Beerta loo dalxiiska tago ee daaru salaama ayaa sidoo kale waxaa isugusoo baxay dad weeyne aad ufara badan kuwaasi oo raxan  raxan usocda haba ugu badnaadaan caruur waalidiintoodu lasocota oo ku dalxiisayay qaybaha ay ka koobantahay beerta dalxiiska ee Daaru salaam.

Qaar kamid ah dadka kaqeyb qaadanayay farxda munaasabada ciidul fidriga oo warbaahinta lahadlay  ayaa kawarbixiyay sida ay uga qeyb qaadanayaan ciida iyaga oo sheegay in meelo fog fog ay uga yimaadeen qaarna ay deegaanka daganyihiin xaafada daaru salaam gaar ahaan beerta loo dalxiiska tago maadaama ay tahay meel ku wacan dalxiiska iyo in lagu maamuuso munaasabadaha

Waaxda caafimaadka ee beerta loo dalxiiska tago ee Daaru salaam ayaa mid mid uhubinayay faya qabka dadka soo galaya goobta maadaama taxadar badan laga muujinayo faafida cudurka COVID-19 iyadoo ay heegan buuxa ugu jiraan shaqaalaha caafimaadka oo adeegsanaya gaadiidka gurmadka deg dega ah ee ambalaasta.

Madaxa suuq gaynta beerta daaru salaam cabdi nuur maxamed kidiye ayaa kawarbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen qaabilaada dadka usoo dalxiiska tagaya halkaasi isagoo tilmaamay in ay u diyaariyeen adeegyo dheeraad ah iyo goobo aad muhiim ugu ah dalxiiska gaar ahaan goob lagu hayo xayawaanaadka iyo meela kale oo ay caruurtu kaheli karaan adeegyo aad u farxad galinaya sida meelo lagu ciyaaro iyo qalab casri ah.

Xaafada daaru salaam oo ah deegaan hormar badan uu ka jiro ayaa waxaa maal galiyay Salaam Somali bank waxaan dhismaha deegaanka Daaru salaam city fuliyay oo dhisay shirkada dhismaha ee Buruuj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.