Home Afsomali Deg deg Askari Balcad 5 kun sh somali darawal booto bajaaj ku...

Deg deg Askari Balcad 5 kun sh somali darawal booto bajaaj ku dilay oo gacanta lagu soo dhigay .

Waa askarigii degmada Balcad ku diley darawal Mooto Bajaajle ah .

skari katirsan Ciidamada dowladda  Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Manta meel u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj, isla markaana dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah darawalada mooto Bajaajta ku Shaqeysta ee degmada Balcad oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in Darawalka Mooto Bajaajla ah uu ka yimid Tuulada Carafaag oo u dhaxeysa Muqdisho & Balcad, balse Askari ku sugnaa Koontoroolka Garasdeele uu dilay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xilliga la dilayay Darwalka Bajaajlaha ah ay Mootada u saarnaayeen laba askari kuwaas oo aan wax tallaabo ah qaadin markii la dilay darawalkii waday, waxana uu sheegay in Ciidamada Maamulka degmada Balcad ay ku raad joogaan askarigii dilka geystay.

Ciidamada NISA ee degmada Balcad ayaa gacanta kusoo dhigay askarigaan oo la sheegay in uu 5 kun Shilling Somali ah u dilay wiil dhallinyaro ah oo kaxeenayay Mooto Bajaaj.
Askarigan oo isku dayay in uu ka baxsado goobtii uu dilka ku geystay ayey ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA qabteen, waxaana lagu wadaa in uu maro caddaaladda.

nabadsugida degmada Balcad ayaa gacanta ku dhigay islamarkiiba hadana ciqaab ayuu mari doonaa .5- kun oo Shilling darteed ayuu walaalkiis oo dhahaya ha idilin u tooktay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.