Kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka furmay Xarunta Villa Hargeysa, kaas oo uneedkiisu yahay ansixinta Golaha Wasiirada Magacaaban, hayeeshee waxaa hareeyay buuq xoogan.
Xildhibaan dhowr oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa buuq ka kiciyay fadhiya Golaha ee maanta loo madlan yahay in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada.
Xildhibaannada qaar ayaa bilaabay inay Firimbi yeeriyaan, waxaana ay qoreen Mooshin ay ku dalbanayaan in ansixinta laga dhigo Cod qarsoodi ah. Hase ahaatee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiday oo mooshinkaas ku tilmaamay in uusan sharci aheyn.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dalbaday in Xildhibaannada buuqa wada banaanka looga saaro Xarunta Golaha Shacabka.