Home Afsomali DEG DEG Dalalka sacuudiga  UK,Australia iyo Malaysia oo laga shaaciyey inay Sabtida...

DEG DEG Dalalka sacuudiga  UK,Australia iyo Malaysia oo laga shaaciyey inay Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fitriga.

DEG DEG Dalalka sacuudiga  UK,Australia iyo Malaysia oo laga shaaciyey inay Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fitriga.

Qoraal ka soo baxay Golaha Imaamyada dalka Australia (The Australian National Imams Council) waxay si Rasmi ahaan ugu dhawaaqeen in Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fitriga la ciiddi doono Maalinta Sabtida oo ku beegan bishan April 22.

Dhanka kale, Dowladda Malaysia waxay ku dhawaaqday inay Maalinta Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fidriga.

Sido kale, Xafiiska Cilmiga Xiddigaha dalka UK (The United Kingdom’s HM Nautical Almanac Office) ayaa soo werisay in Maalinta Koowaad ee Ciiddul-fitriga noqon doonto Maalinta Sabtida ee bishan April tahay 22.

Warbixin uu Xafiiska UK HM Nautical Almanac Office soo saaray waxaa lagu Faahfaahiyey in si caadi ah Indhaha loogu arki karo Muuqa Bisha Cusub Habeenka Jimcaha ee bishan April 21-ka tahay, taasi oo ka dhigayso inay Maalinta Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Fitriga.

Horey, Khubarada Cilmiga Xiddigiska ee dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay in berrito oo Jimco ah la dhamaystiri doono bisha Barakaysan ee Ramadaan, iyadoo Maalinta Sabtida tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul-fitriga.

☆Ustaad Nuradin Hagi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.