Home Afsomali DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo hada ka dhacay Magaalada Kismaayo

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo hada ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo Magaalada Kismayao ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax weyn uu ka dhacay Magaalada Kismaayo, kaas oo laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaaladas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Ruux isku soo xiray jaakad ay qarax ku xiran yihiin uu isku qarxiyay meel u dhow Saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in halka uu qaraxa ka dhacay uu marayay Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin , isla markaana ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Wararka kusoo kordha kala socda www.somalisan.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.