Home Afsomali DEG-DEG:- Xog-xaasi ah Oo aan ka helay dhibaato lagu haayo  degmada ceeri...

DEG-DEG:- Xog-xaasi ah Oo aan ka helay dhibaato lagu haayo  degmada ceeri gaabo

DEG-DEG:- Xog-xaasi ah Oo aan ka helay dhibaato lagu haayo  degmada ceeri gaabo

Madaxa cisbitaalka maanka Ceerigaabo, Mubaarik Axmed Cali ayaa si badheedh ah oo aan ka gabasho lahayn ugu kacay MUSUQ iyo wax is daba marin baahsan oo dhan kastaba leh. Wuxuu Maamuluhu jeeb iyo khasnado u khaas ah ku shubtay lacago uu ka uruursaday dadka danyarta ah ee Cisbitaalka la keeno. Lacagahaas oo isugu jira ama uu u kala bixiyey dhawr magac oo kala duwan,
1) Lacag ta qabashada bukaanka oo u wasiirka caafimaadku joojiyay.
2) Lacagta raashinka bukaanka oo uu lacago dulsaartay.
3) Shidaalka cisbitaalka oo uu dano gaara u adeegsaday.
4) Gaadiidka cisbitaalka dhimirka oo uu diiday inay shaqaalaha qaadaan.
Qodobadaa kor ku xusan waxaa dheer in Madaxa cisbitaalku uu ka dhex samaystay xarunta dhimirka wax uu ku sheegay SHEYBAADHKA DHIMIRKA kaas oo ah waraaba u taag iyo goob uu ku dhiig miirto dadka bukaanka ah.kaaso uu keeno bishiiba dhowr jeer
Waxaa wasaarada caafimaadku hore ba u joojisey in wax lacag ah laga qaado dadka dhimirka ka xanuunsanaya, halka uu isagu dul dhigtay lacag 100$ (boqol doolar)
Falalkaa argagaxa leh sinaba hore looguma arkin guud ahaan soomalilaan iska daa gobolka Sanaag oo.
sidaa si la mid ah wuxuu Maamulaha cisbitaalka dhimirku jeeb ka mid ah jeebab kiisa badan ku shubtay lacagihii gargaar ee loogu talagalay dadkaa bukaanka oo ay ka mid yihiin (lacago uu ka qaatay shirkado iyo dad samafalayaal ah)
Sidaa si la mid ah, wuxuu dayac baahsan oo dhinac kastaba lihi ku dul habsadey dhismihii cisbitaalka oo maamulkii cisbitaalka maanka iyo kala danbayntii qaybta dhimirka.
Ka reer Sanaag ahaan waxaanu ka codsanaynaa madaxda wasaarada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali in uu arrinkaa si gaar ah wax uga qabto….

Xigasho:- markaawi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.