DEGDEG: Dowladda Soomaaliya oo deganaashaha kala laabatay Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madero.
Wasaaradda Amniga ayaa fartay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya inay kala laabato warqada dal ku joogga Wakiilkii Midowga Afrika Francisco Madiera, sidoo kle aan la siin karin warqada dalku galka.
Sidoo kale waxaa Agaasimaha Hey’adda Socdaalka la faray inuu ku wargeliyo in dhammaan cida ay quseyso in Madiera aan dalka la keeni karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.
Waxaa kaloo si kumeel gaar ah loo xiray dhammaan howlaha Terminalka MOVCOM illaa amar dambe.