Home Afsomali Deni oo go’aamiyay qiimaha la iibinayo Buugaagta Manhajka Waxbarashada Puntland

Deni oo go’aamiyay qiimaha la iibinayo Buugaagta Manhajka Waxbarashada Puntland

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Kulankan ayuu Madaxweynaha D Puntland warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhegaystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, falanqeyn iyo dib-u-eegis lagu sameeyay qiimaha Buugaagta iyo sidii culayska looga yareyn lahaa Waalidka, waxaa Kulanka laga soo saaray go’aamadan.

  1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Maamulku uusan haysan cid ka caawisa shaqadaa.
  2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.
  3. Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $ 2 Dollar oo u dhiganta $ 1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.
  4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

Sidaa darteed Kharashka $5 doollar ee daabacada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meelood, $2 oo u dhiganta $1Milaxlion Maamulka Puntland ayaana bixinaya, $3 waxaa lagu iibinaya buugaagta manhajka.

Waa markii ugu horeysay ee Puntland ay yeelato manhajka Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare mudo 24 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.