Home Afsomali Deni oo ku dhawaaqay hadal shaki geliyay Siyaasiyiinta Puntland

Deni oo ku dhawaaqay hadal shaki geliyay Siyaasiyiinta Puntland

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen waqtiga xilheyntooda, taasoo uu sheegay in aysan wax dhib ah lahayn.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Siyaasyiin kasoo jeeda degaannada Puntland ay qaveen l tuhunka ku aadan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi, taasoo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ka digeen, sheegeena inay horseedi karto qalalaase siyaasadeed.

“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado. Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,”ayuu yiri Deni.

Inkastoo Deni uu hadalkaan yiri, haddana wuxuu sii raaciyay in waxa meesha yaalla aanay ahayn ku darsi, balse ay tahay sidii loo dhisi lahaa golayaasha deegaanka Puntland.

Previous articleGudoomiyihii Hore Ee Degmada Kaxda Oo Xil Looga Magacaabay Gobolka Sh.Hoose.
Next articleLataliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Al-shabaab wax wada xaajood ah lagula jirin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.