Home Afsomali DFS & Dowlad Goboleedyada oo wada gaaray heshiis la xiriira waxbarashada

DFS & Dowlad Goboleedyada oo wada gaaray heshiis la xiriira waxbarashada

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya lagu soo geba-gabeeyay shir u dhaxeeyay Wasaaradda Wabarashada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha waxbarashada Heer Dowlad Goboleed, kaas oo qodobo laga soo saaray.

Shirka oo qabsoomay intii u dhaxeeysay  16 ilaa 18-kii Bishaan ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana laga so o saaray Warmurtiyeed ka kooban laba Bog oo lagu faah faahiyay qodobada ay ku heshiiyeen, kuwaas oo kala ah.

  1. in la joogteeyo kulamada Wasiirada Waxbarashada ee Dowladda Fedaraalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah, si looga tashado xaaladaha jira, xalna loogu helo caqabadaha waxbarashada haysta.
  2. in la qabto Shirweynaha Dib u-jihaynta Waxbarashada ee Soomaaliya, si loo helo talo wax ku ool ah, iyadoo lagu martigelin doono daneeyayaasha waxbarashada ee heer dowladeed ah iyo kuwa aan dawladda ahayn.
  3. in dib u-eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasadda waxbarashada qaranka, si loo helo hannaan cad oo qeexaya jihaynta iyo maaraynta waxbrashada dalka, kaasoo waafaqsan nidaamka federaaliga iyoshuruucda kale ee dalka.
  4. in macallinku yahay udub dhexaadka waxbarashada ee dhanka baahinta iyo tayo dhawrkaba. Waxaa laysla go’aamiyey in dhaqaalaha ugu badan ee waxbarashada loo jiheeyo sare u qaadida aqoonta, shaqaalaysiinta iyohorumarinta xirfadda macallinimada, iyadoo la waafajinayo hannaanka caalamiga ah ee tayaynta macallinka.
  5. in ay biyo kama dhibcaan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dawlad Goboleedyada ay waxbarashada u qoondeeyaan miisaaniyad waalidiinta Soomaaliyeed ka khafifisa culayska dhaqaalaha waxbarashada, taas oo dabooli karta baahida malaayinta carruurta ah ee aan haysan fursado waxbarasho. Waxaan shaki lahayn in maalgalinta adeegga waxbarashada ubadkeenna aan lagu maarayn karin mashaariic kooban (Project based funding) oo

hay’ado ay bixiyaan oo kaliya.

  1. in waddada kaliya ee furan si waxbarashada dalkeenna loo horumariyo ay tahay in laga wada shaqeeyo waxbarasho heshiis lagu yahay oo waafaqsan nidaamka federaaliga ah iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxbarashada gabdhaha, barakacayaasha, dadka qaba baahiyaha gaarkaah iyo kuwa halista ugu jira in ay u gacan galaan kooxaha afkaarta gurracan iyoxasillooni darrada dalka ka wada.

Ugu dambayn wasiiradu waxay mahadcelin iyo bogaadin u direen macallimiinta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee u istaagay waxbarashada ubadkeenna iyada oo lagarawsan yahay duruufaha amni iyo dhaqaale ce dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.