Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa abaal-marin ku guddoonsiisay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda Brig Gen Keith Katungi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee magaalada Muqdisho, ayaa Sarreeye Guuto Katungi lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay doorkii weynaa ee uu ka qaatay sugida amniga doorashooyinka.
Shahaadada ayaa waxaa gudoonsiiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed.
Taliyaha Ciidanka Uganda Gen Keith Katungi waxa uu sheegay in guushaasi ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, ka hor iyo inta lagu guda jiray doorashada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ahaana guddoomiyihii Guddiga Amnia doorashooyinka ayaa uga mahadceliyey Brig Gen Katungi sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagnaayeen Xubnihii guddiga doorashooyinka iyo DFS.
“Waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya qaybta koowaad ee taageerada hagar la’aanta ah inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada,” ayuu yiri Gen Xijaar.
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa loo xilsaaray ilaalinta ammaanka gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, iyaga oo mararka qaar ka qeyb qaata dagaallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.