Home Afsomali DFS oo sheegtay in gacanta ku dhigtay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Aasida...

DFS oo sheegtay in gacanta ku dhigtay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Aasida Miinooyinka

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee  DANAB, Gaar Ahaan Ururka 5aad Guutada16 ee ayaa Howlgallo Qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyay degaannada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, kanjaroon iyo Warta Biloow, kuwaas oo dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee kumaandooska DANAB Taliye Carab dheeg Axmed ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday Ciidanku ay Gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u Qaabilsanaa Dhanka Miinooyinka, kaas oo lagu magacabi jiray Xasan Cabdullaahi Abshir, Isla markaana ay dileen laba Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidanku soo Saareen Miinooyin ay Dhulka kuu aaseen si ay Shcabka ugu dhibaateeyaan, isaga oo ballan qaaday inay howlgalka sii wadi doonaan.

Inta badan Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa Gobolada Jubbooyinka ka fuliya howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab halka mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro kala kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.