Home Afsomali DG Puntland oo maanta billowday qaadista Imtixaan sanadkeedka Fasallada 8aad & 12aad.

DG Puntland oo maanta billowday qaadista Imtixaan sanadkeedka Fasallada 8aad & 12aad.

Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa maanta si rasmi ah uga billowday Imtixaanka Dugsiga Dhexe (Fasalka 8aad) iyo kan Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedkaas.

Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay ayay Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Gogoboleedka Puntland ku kala sheegtay in ay yihiin 7,534 oo fasalka 12aad (Dugsi sare) ka qallin-jebineysa sannad dugsiyeedka 2022/2023.

Wadarta ay sheegtay Wasaaradda waxaa wiilal ka ah 4,504 halka wadarta gabdhuhu ay yihiin 3,300 sidaas waxaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada DG Puntland oo ay ku faah-faahisay Imtixaanka Maanta Billowday.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in Ardayda fasalka 8aad (Dugsiga Dhexe) ka gudbeysa ay wadartoodu tahay 15,092 ruux, Wiilasha waa 8,584 halka Gabdhuhu yihiin 6,508.

Wasaaradda Waxbarashada DG Puntland ayaa si ka madaxbannaan Imtixaanka shahaadiga ee Dowladda Federaalka u maamusho, Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedyada kale waxa ay sanad weliba Ardaydu galaan Imtixaan Mideysan.

DG Puntland ayaa dhowr jeer horay waxa ay u diidday in ay qayb ka noqoto Imtixaanka Mideysan ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare XFS ay qaaddo, waxa ay qiil ka dhigatay in aanay isku manhaj ahayd Ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.