Home Afsomali Dhabar Xanuun: Maka Cabanaysa Akhriso Sababaha Keena

Dhabar Xanuun: Maka Cabanaysa Akhriso Sababaha Keena

Xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa mar kale ku celiyey digniintoodii ay ku sheegayeen khatarta dhabar xanuunka, waxa aanay bukaanka iyo dhakhaatiirta la tacaalaba dhabar xanuunkaba kula dardaarmeen in aan la dhayalsan xaaladdan.

Koox xeeldheerayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka ayaa tiro-koob dhabar xanuunka la xidhiidha oo ay ka sameeyeen 200 oo dal oo dunida ah, waxa ay ku ogaadeen in dhabarka qaybtiisa hoose ee xanuunsataa ay tahay waxa ugu badan ee dhammaan dadka dunidu si aad ah uga cabanayaan waqtigan la joogo, xanuunka labaad ee loogu cabasho badan yahay dunida ayaa noqday raqabad xanuunka, waxa aanay xeeldheerayaashu sheegeen in sahamintan ay ku ogaadeen in labadan xanuun
ay xitaa mararka qaarkood ka kaar badan yihiin wadne xanuunka iyo cudurka duumada.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in dhabar xanuunku uu mararka qaarkood dadka hayo sannado badan oo aanay dawadu waxba ku tarin. Arrinta ka sii daranina waa in dhabar xanuunku aanu da’ ku koobnayn balse uu si isku mid ah ugu faafay da’aha kala duwan ee dadka dunida oo ay ku jriaan dhalinyarada weli aadka u da’da yari.

Xeeldheerayaasha oo sidoo kalana baadhay sababaha keeni kara dhabar xanuunka ayaa ogaaday in fadhiga badan ee weliba sida qaabka daran uu qofku u fadhiistaa ay tahay sabab muhiim ah, waxaa soo raaca qoorta oo qofku caadaysto in uu dhinac u leexiyo, taas oo inta badan dhacda marka talefanka gacanta lagu hadlayo iyo marka la isticmaalayo aaladaha casriga ah ee IPad, Tablet iyo kuwa la mid ah.

Sahamintan ayaa lagu ogaaday in dadka dunida maanta ku dhaqan badankoodu ay laba illaa afar saacadood maalin kasta ku qaataan ku hadalka iyo isticmaalka kale talefannada casriga ah iyo aaladaha la mid ah ee aynu kor ku soo xusnay, taas oo ah sabab aad u kordhin karta dhabar iyo raqabad xanuunka dunida dadkeedu sida aadka ah waqtigan casriga ah uga cawdaan.

Ugu dambayntiina waxa ay xeeldheerayaashan caafimaad ku celceliyeen in la iska ilaaliyo in qoorta dhinac ama xagga hore loo leexiyo si looga ilaaliyo in isu-dheelli tirnaanta miisaankeedu lumo. Sida ugu fiicanina waa in qofku uu kor u soo qaado aaladda uu isticmaalayo si uu u soo gaadhsiiyo meel uu arki karo, isticmaalina karo isaga oo aan foorarin, haddiiba uu laba saac oo isku xigta isticmaalana ay fiican tahay in uu yara hakiyo oo uu ugu yaraan shan daqiiqo jimicsado.

Dhabar Xanuunka .

Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka, waxaa dareema 4 ilaa shan qofo boqolkiiba. Inta badan waxuu xanuunka ku dhamaadaa dhowr maalmood ilaa iyo dhoor toddobaad, laakin mar marka qaarkood waxuu qaadan karaa waqti dheer waana soo noqonoqdaa.

Waxuu xanuunka dhabarka ku imaan karaa si degdeg ah waxuuna ahaan karaa mid aad u daran ama waxuu u imaan karaa xoogaa-xooga intii waqti ah waxuuna keeni karaa dhibaatooyin waqti dheer (joogto ah).

Dhinaca hoose ee dhabarka, waxuu ka samaysan yahay 5 xaroor ama ricirro ee loo yaqaan sida L1 to L5. Waxuu sidaa culayska oo dhan ee dhinaca kore ee jirka, waxuuna yahay mid ku jiro hawl aan kala go’ lahayn gaar ahaan markii la rogmanaayo, la jeesanayo iyo markii wax la qaadaayo.

Haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la’aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro dhaawac seedaha, murqaha ama saxuunta (carjawada u dhaxayso labada lafood).

Inta badan dhabarka isagaa is-raysiiyo laakin haddii aad u darran yahay uuna yahay joogto waxaa laga maarmaan ah in la doonto talo caafimaad si loo ogaado xanuunka waxa keenay loona helo daawayn ku habboon.

Sababaha
Inta badan dhabar xanuunka hoose waxaa loogu yeeraay sida ‘ mid aan lahayn meel gaar u ah’ sababtoo ah inuu keenay dhaawac ama cudur aan aad u darnayn, laakin way keeneen laabniin, murqaha oo aadkaadaan, dhaawacyo yar-yar ama jirka oo meel qabsaday ama neerfaha oo wax yar gaaray. Waxaa kale uu ku dhici karaa markii uu jiro uur, ama sabab murugo leh, bukasho, kilyo xanuunka ama hurdo xumi.

Waxaa dhabar xanuunka keeni karo waxqabad maalmeedka sida: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin, qunfacid, hindhisid, murqaha oo isgalaan, jirka oo isgalo ama wadidda gaariga oo waqti dheer qaadato iyada oo marna la joojin. Shilalka guriga, shaqada, ama markii la wado gaariga ( oo ku jiro dhaawaca qoorta ) waxayna yihiin sababaha guud.

Qaabka ugu caansan ee dhabar xanuunka daran waxaa keeno bararka ama murqacashada mid ama ka badan ee saxuunta ku dhex jirto xaroorka ama ricirrada oo keenayo in ay cadaadis saaraan neerfaha.

Waxaa xaaladaan loo yaqaanaa saxanka taranturooday “disc prolapse”  laakin waxaa si aad ah oo sax ah loo tilmaamaa inuu
yahay saxan booskiisa ka durqay ama ka sikaday. wuxuuna keeni karaa xanuun miskaha, cajiraha iyo lugta haddii saxankaa turonturooday uu cadaadis saaro neerfo dhabarka, akhriso qoraal aan uga hadlay xanuunka Sciatica:

Sida caadiga ah saxanka wuu gurmaa waxuuna la qayirmaa da’da. Ama waxuu daba socdaa dhaawaca sidaasi darteedna inay guud ahaan keenaan adeeg iyo xanuun, gaar ahaan aroorta hore una keenaan wayeelka lafo xanuun.

Waxaa kaloo dhabar xanuunka hoose keeno tiro kale oo xaalado ah sida cudurada lafaha, burooyinka, infekshanka haweenka khaasatan tubooyinka iyo caabuq kaadi mareenka.

Sidee loo baaraa dhabar xanuunka?
Markii laga shakisanyahay dhibaatooyinka saxuunta waxaa la sameeyaa x-ray, iskaanka tomogarafiyada ee la mariyay computer-ka (Skaanka CT ama Cat), ama iskaanka ee dhawaaqa birqabadka (MRI) ayaa lagu talin karaa si loo helo warar sax ah.

Sidee loo daaweeyaa dhabar xanuunka?
Waxa haatan lagu taliyo in lagu daaweeyo dhabar xanuunka waxuu yahay:
• Isticmaalka xunuun-dilayaasha;
• Sii wadidda waxqabadyada caadiga ah halka ay ka suurto gasho.
• Daawaynta osteopath-ka, chiropractor-ka, jir-jimciyaha, ama cirbad-durid adeegsadaha ee ah xirfadlayaal ayaa kaa caawin karaan, waxay kale ay daraasaadka muujiyeen in jimicsiga fudud uu waxtar leeyahay.
• Sii wad shaqada, ama si degdeg ah uga soo laabo haddii ay suurto gal tahay.
• Waxaa fiican inaad ku nasatid sariirta in aan ka badnayn labo maalin, in ka bdan waxay keeni kartaa waxtar xumo.
• Sameey layliga jimicsiga si loo xoojiyo murqaha iyo si loo simo dhinacyada.
• Isticmaal kuleel (warqad kulul ama qubays kulul) ka dib maalmo markii uu dabco xanuunka murqaha.

Hadduu xanuunku aad u daran yahay waxaa loo baahan karaa qalliin sida microdiscectomy, oo keenaayo in la dayacatiro meesha dhaawaca gaaray ama saxanka murqacday.

Ma laga hortagi karaa dhabar xanuunka?
Si uusan kuu qaban dhabar xanuunka waa inaad dhabarkaada ka ilaaliso waxyaabaha dhaawac u keeni karo, aadna sugtaa inuu dhabarkaada noqdo mid xoog iyo fudeed leh. Waxaa kale lagu dabaqayaa talada dhabar xanuunka joogtada ah, lehna dhacdooyinka soo noqnoqdo:
• Yareey culayska saa’idka ah,
• Sameey jimicsiga si aad u sii hagaajisid dhabarkaada iyo murqaha calooshaada,
• Marka aad fadhiisanaysid, dhabarkaagu ha toosnaado,
• Ku seexo sariir iyo joodari adag,
• Sax qaadista iyo gacan ku qabadka alaabaha, weecashada adkaynta iyo isgalka muruqa ee kediska ah,
• Isku day oo yareey murugada, lab-lakaca iyo kacsanaanta
• Sameey jimicsi joogto ah (socod ama dabaalasho waxay u fiican yahiin dhabar xanuunka).

Qaab Fudud Oo Aad Dhabar Xanuunka Isaga Daaweyn Karto

Dadka da’doodu kor u dhaaftay 30 jir ayaa waayadan dambe ka cabanaya xanuunno cusub oo waliba aad usii faafaya, sida xanuun ay ka dareemaan dhabarka, qoorta iyo waliba garbaha.

Hadaba isaga oo xaalku sidaas yahay ayaa badiyaaba dadku marka ay dareemaan xanuunnadan ay sameeyaan laasimida ama jiifka furaashka, iyaga oo dhaqdhaqaaqa jidhkooda aad u yareeyan.

Baadhitaan ballaadhan oo aynu ku samayay waxyaabaha keena xanuunkan iyo waliba siyaabooyinka la iskga daweeyo, waxayna u dhigan yihiin sidan:

Sababta ugu wayn ee dhibaatadan keenta ayaa waxa ay tahay muruqyada ku jira qaybahan jidhka qofka kamid ah oo is dhex gala, waxaana inta badan ay dhibaatadani ka dhalata fadhi badan, istaag badan ama jiif badan oo aan qaabkii loogu talo galay loo samayn, tusaale ahaan inuu qofku dul fadhiyo aalada computerka waqti dheer isaga oon wax raaxo ah qaadan ama dhaqdhaqaaq kale samayn, waxaana hubaal ah in qofku hadii uu qaabkan sameeyo dareeemi doono qoor xanuun waqti kastaba haku qaadatee, sidan waxa yidhi websiteka saldhigiisu ku yaallo wadanka Germany ee Gozenheit.

Waxa kale oo xanuunnada noocan ah sababa qabowga iyo hawada tooska ah ee ku dhacda meelahan jidhka kamid ah, taasi oo badiyaaba xanuunka hawadani meesha ka baxo muddo laba maalmood ah.

Hadaba dawada xanuunnadan ayaa waxa laga heli karaa goor kaste, iyada oon u baahnayn inaad wax lacag ah ku bixisid waqti fara badanna aan kaa qaadan doonin, waxaana ay tahay inaad kaliya ilaalisid qaabka aad u fadhiisanayso, taagantahay ama jiifsanayso, isla markaana aad naftaada siisid waqti ay nafisto oo ku filan si aad uga badbaadid dhibaatooyinkan caafimaad.

Waxa kale oo ay shabakadan caalamiga ahi intaasi ku dartay in diirimaadku uu muruqyada jidhka ku caawiyo nafiska, taasi oo iyaduna hordhac u ah xanuunnadan oo uu qofku ka badbaado, ama uu kaga tago xanuunkaniba.

Hadii ay xanuunnada noocan ahi qofka kusii waaraan muddo 3 bilood ka badan ayaa lagama maarmaan ay tahay inuu qofku aado dhakhtar ku xeel dheer cilmigaasi, waayo waxa suurto gal ah in ay isu badalaan roomatiisan.

Waxaa xusid mudan in wadanka Germany dadka shaqaalaha ah ee shaqooyinka ka maqnaadaa sababo xanuun awgood ay 3 qofba 2 uga maqnaado xanuunnadan awgood.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.