Home Afsomali Dhac Nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Muqdisho iyo Walaac xoogan oo...

Dhac Nuuc cusub ah oo kusoo kordhay Muqdisho iyo Walaac xoogan oo laga muujiyay

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhaya dhac ay geesanayaan kooxo hubeesan oo qaarkood la sheego in ay yihiin askar katirsan ciidanka dowlada oo soo xirtay dharka shacabka .

Dhaca ay geestaan kooxaha burcada ah ayaa markii hore ku koobnaa moobeelada iyo alaabaha kale ee qaaliga ah ay wataan dadka wadooyinka maraya, waxa ayna burcadan inta badan marka ay dhaca geeanyaan adeegsadaan mooto bajaaj.

Hada magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dhaca loo geesanyo mootooyinka bajaajta ee dhalinyarada ku shaqeestaan, waxaana kooxaha burcada ah si gaar ah u dhacaan una beegadaan mootooyin cusub.

Burcada ayaa iska dhiga kuwa mootooyinka kireesanaya waxa ayna dhacaan marka ay la tagaan dhul cidlo ah, waxa ayna wadaha mootada ku qasbaan in uu furaha wareejiyo hadii kale la dhibaateenayo.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho waxaa dhac loogu geestay mootooyin badan, waxaana dadka laga dhacay mootooyinka qaarkood loo geestay dilal iyo dhaaacyo halka kuwa kalana laga qaatay mootooyinka iyaga oon dhibaato la gaarsiin.

Labo habeen kahor degmada Dayniile waxaa lagu dhax dilay wiil Bajaajle ahaa, waxaana wiilkaasi horey looga sii qaatay mootadii uu watay, laamaha amaanka ayaana inta badan wax ka qaban dhacaan cusub ee magaalada kusoo kordhay.

Mootooyinka la dhaco oo ah kuwa cusub ayaa la sheegaa in qaarkood gobolada dalka loo dhiibo lagana bixiyo lacago ka yar inta ay joogaan mootooyinka caadiga ah halka kuwa kalana mootooyinka la dhaco laga badalo rinjiga matoorka iyo sidoo kale taargada .

Dhalinyarada Bajaajta ku shaqeesata ayaa ka walaacsan dhacan kusoo kordhay magaalada Muqdisho, waxa ayna dhalinyarada qaarkood sheegeen in aysan kala garaneyn burcada dhaceysa iyo rakaabka ay qaadayaan.

Dhaca loo geesanayo mooto bajaajta ayaa hadii aan wax laga qaban laga cabsi qabaa in ay keento in dhalinyaro badan iska dhigaan mootooyinka ay hada nolol maalmeedka uga raadiyaan qoysaskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.