Home Afsomali Dhacdo Naxdin leh: Afar Walaalo ah Ceel ay ku dhaceen...

Dhacdo Naxdin leh: Afar Walaalo ah Ceel ay ku dhaceen kuwada geeriyooday

Afarta Nin ee walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora hawd oo aan ka fogayn magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Afarta Nin ayaa Ceelka oo kuyaal Togga Faafan uu ahaa mid ay iyaga qodeen si ay Biyo uga cabaan, hayeeshee ay sababtay inay halmar naftooda ku waayaan, xilli ay doonayeen inay ku waraabiyaan beer ugu taalla Toga Faafan.

Ehellada Afarta nin ayaa sheegay in saacado kadib markii ay ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah Shaqaalaha Beerta oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada.

Qaar kamid ah Bulshada ku nool degaanka Faafan ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay Ceelka kasoo saaraan Meydadka Afarta Nin oo ku jiray in ka badan lix saacadood, waxaana lagu Aasay Tuulada Hora hawd.

Bulshada kunool degaanka Faafaan ayaa aad uga naxay Afarta Ragga ah oo si weyn degaanka looga yaqaanay ee Ceelka halmar ku wada dhacay kuna dhintay, waxaana jirin gurmaad weyn oo Maamulka degaanka uu u fidiyay dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.