Home Afsomali Dhacdo xanuun badan oo ku dhacday mid ka mid ah Maxaabista laga...

Dhacdo xanuun badan oo ku dhacday mid ka mid ah Maxaabista laga soo sii daayay Ethiopia.

Magaceeyga waa Abdirahmaan Dhoodaan Cabdi Maysar waxaan ku dhashay mogadishu waxaan ka baxay dugsiga sare ee Banaadir 80 maad kii, Anigoo baranayo kuliyada cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadii Gaheyr  iigana harsantahay wax ka ka yar sanad ayeey dowladii burburtay markaas waxaan jiray 23 sano, Aabaheey waxuu ka shaqeen jiray guryo uu bankigii dhexe lahaa oo loo yaqiin bangaariyada oo kuyaalay Deg, Hodan, Cideena waxeey ku noolaayeen Deg, Xamarweyne. Bilaawgii 1991 maalin ka mid ah anoo joogo Jaamacada ayaan hal mar maqlay hugunka madaafiicda iyo daryaanka rasaasta ee qoryaha fudud waxaan dareemay in Xamar lasoo galay xabaduna kusoco Madaxtooyada suurto galne aheen inaan aado Xaafadeeyda maadama aan la mari karin Jidka Makka Al mukarama oo ah marinka Xaafadeeyda, waxaan goansaday inaan la qaxo dad cararyay ilaa aan gaarno Ethiopia.

 

6 bilood oon kusii hakaneenay hadba meel dhaxbartamahii 1991 kii ayaan waxaan gaarnay Iimeey oon uga sii gudubnay Raaso ilaa aan gaarno Dirir Dhawa, xiligaas wadanka  Ethiopia aad buu ukacsanaa waxaana xukunka laga tuuray kaligii taliyii Mingiste waxaana ka socday raaf dadka loogu tuurayo Xabsiyada, 7 habeen markii aan seexday Dirir dhawa habeenkii ku xigay xili maqrib ah ayaa la idafay waxaana ikaxeestay ciidan wata gaari Jiib ah waxaa la igeeyay Degma 200km aan umaleenayo ineey ujirto Dirir Dhawa oo layiraah Hawaash (Awash) waa godkii iga lumiyay mustaqbalkeeyga waa kii inacsiiyay aduunyada waa midkii 27 sano aan ku jiray waakii aan galay anoo 23 jir ah kana soo baxay anoo 50 jir ah.

 

Xabsigaas waxaa ku xirnaa maxaabiis aan ku qiyaasay 4,600, dadka ugu badan ee xabsiga kujiray waxeey ahaayeen Amhaaro iyo Oromo oo dowlada ku kacsanaa, Somalida waxaan aheen 300 qiyaastii marka ayakane laga reebo 280 loosoo qabtay ineey taageeraan ONLF inteena kale waxaan aheen reer somalia.

 

Runtii ma qiyaasi karo nooca uu u yaalay xabsigaas waxuu ahaa god hoostiisa oo aay adagtahay sida aad ku aragto qoraxda ama iftiin, Naxariista kaliya ee xabsigaas ka heli karto waa inaad cuntaa hal waqti oo Cambuulo galeey ah

 

Waxaa iigu murug badneed markii xabsiga la iga soo sii daayay anoo xiran 27 sano maxaa yeelay ma aanan aqoon meel aan uraadiyo aabaheey iyo hooyadeey iyo 6 walaala ahaa oo ila dhashay Alla muruga badnaaa walaahi waxaa la iiqaatay inaan iska dhinto.

 

Markaan xamar kasoo dagay hada oon kula hadlayo waan ooyay waana farxay, waxaan ku ooyay farxad aan uqabo dhulkeeyga iyo aragtida raisal wasaaraha isoo daayay oo ah nin dhalinyaro ah oo naxariis iyo damqasho leh, waxaana ku farxay jaceelka dadkeena isjecelyihiin iyo sida macaan ee noola soo dhaweeyay.

walaahi ma aqaan ani waxa aan sameeyo iyo meesha aan ka raadin doono dadkeeeygi.

Alla ciil badanaa maanta aqoonteeydi iyo dadkeeygi midna ma hayo oo waxaan ahay jaahil gablan ah kaliya wadada ii furan waxaa weeye inaan samro oon badiyo taqwada Alle.

 

Walaal macaane maanta kaama rabo lacag iyo hanti, ma doonayo magac iyo mansab iyo shaqaba kaliya waxaan rabaa cideeni inaan is helno fadlan intaas iga caawi.

 

Walaal masaakiinkaan dhiban fadlan ka caawi ineey ishelaan cidiisa oo markale dib umidobaaban waa hadaad taqaan ree Dhoodaan  Cabdi Maysar ama #Share dheh ayaka heli doinee.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.