Home Afsomali Dhacdooyinkii Daraawiishta.

Dhacdooyinkii Daraawiishta.

………………………………………………………….

Qoraa’ga Masaariga ah ee la yidhaahdo CabdiSabuur Marsuuq, (1924 – 2008) oo ay bilowgii Lixdamaadkii Masaaridu u soo dirtay Soomaaliya, ayaa waxa uu qoray Buug la yidhaahdo “Kacdoon wadihii Soomaaliya”. Waxa uu kusoo bandhigayaa Buugga gudihiisa dagaalladii iyo dhammaan dhacdooyinkii Daraawiishta. Qisooyinka aadka u yaabka badan ee uu kusoo guurinayo buuggiisa, xilligii Daraawiishtana dhammaan deegaanadii Daraawiishta caanka ka noqday waxa mid ahaa, in dagaalkii ay Daraawiishtu kula gashay Xabashida Jigjiga aageeda, kana mid ahaa dagaalladii ugu horreeyey ee ay Daraawiishtu gasho, ayuu sheegayaa in hogaamiyihii Ciidanka Xabashida ay dishey gabadh darwiishad ah oo ka tirsanayd Ciidanka Daraawiishta. Waxa uu Isla Safxaddaas (Bogga 59) qoraagu ku sheegayaa, in la arkayey Labo Libaax oo iyaguna dagaal qadhaadh kaga barbar jira halgamayaashii Daraawiishta, Xabashidiina naar kaga ifiyey. Libaaxyadu waxay marba surka kala jebinayeen xabashigii ka hor yimaadda.

Bogga 67, waxa uu ku sheegayaa, in xilli ay dagaal adag ay iskaga hor yimaaddeen Ciidamadii Daraawiishta iyo kuwii gumaystuhu uu nin oday ah oo la yidhaahdo Maxamed isku-raran uu waayey Hub uu ku dagaallamo, kaddibna, uu dagaalka soo galay isaga oo aan wax hub ah sidan, rasaasta oo is dhaafaysana uu badhtamaha dagaalka galay, isaga oo ku qaylinaya ” Allaah, Allaah”. Waxa uu Bakooraddiisii madaxa kaga jiidey Askari Ingiriis ah, qorigiina ka qaatay, oo dagaalkii wacdaro ka dhigay. Xilligaas waxaa la sheega darwiishka in uu Cimrigiisu ahaa toddobaatan sano wax ku dhow.

Taariikhaha kale ee Buugga uu qoraa’gu ku xusay waxaa ka mid ah: in nin la yidhaahdo Carab Sheekh Cismaan, kana tirsanaa Ciidanka daraawiishtu, uu galay dagaal, isaga oo bilaa qori ah, kaddibna uu nin Ingiriis ah oo rasaasta ridaya toos ugu soo badheedhay, kana furtay qorigii. Waxaa la sheegaa in ay Darwiishka laabtiisa ku dhacday wax ka badan afartan Xabbo oo rasaas ah, hadhowna Xarriiqo mooyaane aanay wax kale u gaysan.
Jaalle Cabdale Qaalib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.