Dhacdooyinkii dhacay sanadkan kii dhamaaday ee 2021.
Janaayo, 01, 2021 Waxaa xiliga habeen ah magaalada Kismaayo qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay xildhibaan khaliif Haashim oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad Gobolleedka Jubbaland
xildhibaanka ayaa markaasi waxaa uu ka soo baxay gurigiisa isaga oo wattay gaari oo uu lahaa, laakiin daqiiqado kaddib uu la kulmay qaraxan oo ahaa nooca baabuurta lagu dhajiyo.
Markiiba waxaa mas’uuliyada Qaraxan sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen Ururka Al-shabaab.
Sabti, Janaayo, 02, 2021 -Qaraxa culus ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole ayaa lagu waramayaa in lala eegtay Injineerrada ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxan ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo la sheegay in ciidamadu ka shakiyeen kaddibna rasaas ku furreen taasoo keentay in uu goobtu ku qarxo, waxaana ku dhintay ayaa la leeyahay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana qaraxaasi cambaareeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Janaayo, 02, 2021 Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow oo xilka muddo dheer ku soo shaqeynayay ayaa laga qaaday iyadoo loo magacaabay Maxamuud Axmed Xassan Dalab.
Mas’uulkan xilka loo dhiibay ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Saacid, isaga dhinaca kalana ka soo shaqeeyay hay’addaha kala duwan ee nabadgalyada iyo maxkamadaha dalka.
Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa noqonaya shaqsigii ugu waqtiga dheeraa ee ku soo shaqeeya xilka guddoomiyaha maxkamada Ciidamada
Janaayo, 03, 2021 Golaha midowga murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris ah oo ay dowladda federalku la galayso shirkaddo shisheeye.
Murashixiinta waxay sheegeen in wasaaradda macdanta iyo batroolka oo dowladda wakiil u ah ay dhawaan heshiis shidaal baaris ah la galayso shirakaddo laga leeyahay dalka dibadiisa.
Shirkadahaas oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline ayay murashixiinta sheegeen inay damacsan yihiin in loo saxiixo heshiis shidaal baaris oo halis ku ah kheyraadka ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed.
Janaayo, 03, 2021 Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in hub lala galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Wasaaradda waxay sheegtay amarkaan inuu ka yimid raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib markii maamulka garoonku uu cabasho kasoo gudbiyay hubka lala galayo garoonka diyaaradaha.
Tallabadaan ayaa ka dambeysay iyadoo dalku ku jiro xaalad doorasho ayna jiraan dad badan oo dowladda kasoo horjeeda oo hubaysan, oo marka ay garoonka kasoo dagayaan hubkooda gudaha ula gala
Janaayo, 04, 2021 Midowga musharixiinta ayaa ku gacan seyray go’aankii ay dowladda Soomaaliya uga mamnuucday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho hubka marka laga reebo hubka ay wattaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayeey ku tilmaameen mid qalad ah oo aan la aqbali karin in qeybna hubka loo daayo kuwa kalana laga mamnuuco, iyaga oo intaa ku darray in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka laabato go’aankaa isaga ah.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku hadlayay afka midowga musharixiinta ayaa markaasi sheegay in musharixiinta u baahan yihiin xuquuqda la mid ah tan madaxweyne Farmaajo maadaama uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Janaayo, 19, 2021 Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warar soo baxay oo sheegaya in dhalinyarro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ka qeyb qaateen laguna laayay dagaalkii dhaxmaray ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo TPLF
Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aysan jirin Askar Soomaaliyeed oo ku lug yeeshay dagaalka Itoobiya ama lagu dilay
‘ Ma jiraan Askar Soomaaliyeed oo Itoobiya naga dalbatay ama ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigreyga, waa warar mala awaal ah, waana waxba kama jiraan ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ka hadlayay TV Qaranka.
Saraakiil hore iyo Siyaasiyiin ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed lagu laayay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Waqooyiga Itoobiya ee Tigreyga kaddib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay in ay ka qeybqaataan dagaalkaas waa sida ay hadalka u dhigeen.
Hasse ahaatee Wasiir Dubbe ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la siyaasadeeyo, laakiin dhinaca kale waxaa uu Wasiirku ka war wareegtay in ay jiraan ciidan Soomaaliyeed oo tababar u jira dalka Eritrea.
Waalidiin badan ayaa wal wal iyo walaac ka qaba weli halka ay ku danbeeyeen wiilashoodii tababar loogu qaaday dalka Eritrea kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in dhalinyarro badan oo Soomaaliyeed u dhinteen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya
Janaayo, 19, 2021 Qarax miino ayaa lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin,
Sidoo kale waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaariga la weeraray.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaaray.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gaariga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay.
Janaayo, 20, 2021 Golaha midowga murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu si dhab ah uga hadlo xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea iyo wararka sheegaya in qaar kamid ah ay ku dhinteen dagaalada Ethiopia ka socday.
Afhayeenka golaha midowga murashixiinta Ridwaad Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku baaqay in aan la dhayalsan dareenka waalidiinta Soomaaliyeed ee ka welwelsan ubadkooda islamarkaana laga dhigan in yihiin dad uu mucaaradku soo abaabulay oo lacago lagu siiyay in ay been sheegaan.
Afhayeenka midowga murashixiinta wuxuu sheegay hadal uu dhawaan bixiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya inuu abuuray shaki welwel galiyay waalidiinta ilmahooda ka maqan yihiin, kadib markii uu wasiirku ka meermeeray inuu caddeeyo in dhalinyaro Soomaaliyeed ay tababar ugu maqan yihiin dalka Eritrea.
Janaayo, 21, 2021- Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xili habeen ah lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib rasaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku fureen gaari uu la socday.
Guddoomiye Cabdixakiin ayaa saacado uun ka hor geeridiisa dalka dib ugu soo laabtay isaga oo ka yimid dalka Turkiga oo looga soo daaweeyay dhaawacyo ka soo gaaray qarax sanadkii hore lala eegtay gaari uu la socday.
Gaariga uu la socday Guddoomiyaha ee rasaasta lagu furay ayaa marayay degmada howlwadaag gaar ahaan agagaarka Jid Mareexaanka ama
Janaayo, 21, 2021 Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan ee lagu dilay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.
Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka guddoomiyaha degmada Hodan ka danbeeyeen ciidan ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, islamarkaana gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyaha.
Saraakiisha dilka loo xiray ayaa waxaa kala ahaayeen taliyayaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Howl-wadaag iyo Waabari, sidoo kale waxaa iyaguna xabsiga loo taxaabay ciidamadii ku sugnaa barta-koontarool ee lagu rasaaseeyay gaariga uu la socday guddoomiyaha..
Janaayo, 25, 2021 Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka war heshay islamarkaana ka hortagtay hub culus oo la doonayay in la soo galiyo dalka.
Hubkan ayeey sheegtay in ay iska kaashadeen hay’addo Ajnabi ah, wadamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo doonayay in ay soo galiyaan dalka.
Janaayo, 25 2021 Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjartay sida uu sheegay weerar degmada Beled-Xaawo ay ku soo qaadeen ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay soo tababareen oo uu ula jeeday ciidamada Jubbaland.
Wasiir Dubbe ayaa intaa ku darray in dagaalka ay ku qabteen ilaa 100 maleeshiyaad ah oo ka mid ahaa xoogaggii weerarka soo qaaday, madaama ayuu yiri ciidanka dowladda ay markii horeba diyaar u sii ahaayeen duulaanka dhinaca dowladda Kenya.
”Maleeshiyaadka lagu qabtay dagaalka ciidamada dowladda waxaa ay ku hayaan goob amaan ah iyaga oo ilaalinaya xeerarka maxaabiista dagaalka” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo Muqdisho kula hadlayay warfidiyeenka.
Isla Janaayo, 25 2021 Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay in dowladda federalka Soomaaliya ay gacanta kaga dhigtay ciidamo Jubbaland oo ka qeyb qaatay dagaaladii xalay iyo maanta ka dhacay Balad-xaawo.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya inuu ka been sheegay xaqiiqada dagaalka Baladxaawo islamarkaana aysan ciidankooda wax ka qusaynin maxaabiista baraha bulshada lasoo dhigay.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay masuul ka tahay khasaaraha ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Balad-xaawo, wuxuuna sheegay madaxda dowladda Soomaaliya in ay ku fekerayaan in dalka lagu maamuli karo xabbad iyo xoog.
Janaayo, 25, 2021 Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto dagaalka ka soo cusboonaaday degmada Beled-Xaawoee gobolka Gedo oo sida ay sheegtay Kenya wax aan badneyn u jirta xudduuda ay wadaagaan Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu sababay barakaca dad badan oo rayid ah, kuwaa oo laga yaabo in ay intooda badan ku biiraan qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.
Dagaalkan ayeey sheegtay dowladda Kenya haddii uu sii socdo in uu xumeyn doono guud ahaanba nabad-galyada isaga oo dhinaca kalana carqalad ku noqonaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Dhinaca kale Kenya ayaa sheegtay in dagaalkan uu u muuqdo mid u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya in ay ka danbeysay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada Beled-Xaawo, islamarkaana soo hubeysan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday waa sida ay hadalka u dhigtay dowladda Soomaaliya.
Janaayo, 28, 2021 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.
Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir
Janaayo, 30, 2021 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay isagoo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la guda galo qabsoomidda doorashada, wuxuu shir iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay shirkaan in lagu qabandoono magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug uuna socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.
Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeeray xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.
Janaayo, 31, 2021 Weerar ku bilaawday ismiidaamin ayaa lagu qaaday Barkootarool oo ku taala waddada aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo Qaraxa ismiidaamin ah kaddib koox hubeysan ay gudaha u galeen Hotelka Afrik ee ku yaala isla goobta.
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay ilinka hore ee Hoteelka oo dhinaca kalana ay ku taalo Bartakooltarool ee laga ilaaliyo waddada gasha Garoonka diyaaradaha Aada Cadde.
Dadka weerarkaasi ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Allah u naxariistee Jenaraal Maxamed Nuur Galaal, janaraalka ayaa ka mid ahaa Sarakiishii hore ee dowladda Soomaaliya.
Sadiiq Aadan Cali oo markaasi ahaa Afhayeena ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in ilaa 9 ruux ay ku geeriyoodeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dhamaan la toogtay raggii weerarka soo qaaday.
Feberaayo, 03, 2021 Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug shirka wadatashiga dowladda Fedaraalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Shirkan waxaa looga hadli doona arrimaha siyaasadeed ee wadanka sida qilaafka ka taagan doorashada dalka ka dhaceyso iyo sida xal loogo gaari lahaa, waxaana shirka uu goordhaw ku bilaawday jawi aanan lasii saadaalin karin waxyaabaha kasoo bixi doona maadama madaxda shirka uu u furmay aay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin waxyaabaha aay isku hayaan.
Feberaayo, 06, 2021 Waxaa gabi ahaanba burburay oo lagu kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb uga socday madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay looga wada hadlayay dhameynta khilaafka ka taaggan doorashada dalka oo aan wali heshiis lagu aheyn.
Arrinta gobolka Gedo oo ah xuddunta khilaafka iyo sababta in shirka lagu kala dhaqaaqo ayeey isku mari waayeen madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe[ gaar ahaan cidda maamuleysa doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ee lagu waddo in ay ka dhacdo magaalada Garbahaarey.
Jubbaland ayaa dalbatay in marka hore gacanteeda lagu soo celiyo guud ahaanba gobolka Gedo oo Garbahaarey-na ay ka mid tahay, lagana saaro gabi ahaanba ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka iyadoo taa badalkeedana la geynayo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.
Hasse ahaatee Madaxweynaha Farmaajo ayaa arintaa ku gacanseyray isaga oo ku adkeysanaya in doorashada gobolka Gedo ay dowladdu maamuleyso, waana tan keentay in ugu danbeyntii shirku ku soo idlaado natiijo la’aan.
Feberaayo, 06, 2021 Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusa-Mareeb markaasi ayaa sheegay in muddadii uu socday shirka dowladdu tanaasul badan ka sameysay arintan muranka gobolka Gedo.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda dhaxdhaxaadiyayaashuba ku taliyeen si xal looga gaaro arintan gobolka Gedo qoddobo ay ka mid yihiin.
1 Inta aan maamul dusha looga keenin in gobolka Dib-u-heshiisiin laga sameeyo, arintaana Jubbaland waa ay ka soo horjeesatay.
2. Waxaa kaloo la soo jeediyay in doorashada Garbahaarey ay maamulaan ciidamo Booliis ah oo ka socda AMISOM, taana Jubbaland waa ay ka soo horjeesatay.
3.Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in gobolka Gedo loo diro guddi ka socda maamul gobolleedyada gaar ahaan Wasiirraddooda arrimaha gudaha si ay u soo ogaadaan mashkilada ka taaggan gobolka iyo xaqiiqda halkaa ka jirta, sidoo kale Jubbaland arintaa waa ay ku gacanseyrtay.
Wuxuu sheegay in markii intaa oo dhan leysku fahmi waayay in la waayay meel kale oo looga gudbo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in siweyn loo tuhusan yahay sida uu hadalka u dhiggay in arrinku dhaafsiisan yahay Jubbaland oo ay jirto gacan kale oo shisheeye oo sida uu hadalka u dhiggay gadaal ka riixeysa diidmada Jubbaland.
Feberaayo, 06, 2021 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Islaam] oo warbaahinta la hadlay ayaa mas’uliyada burburka shirkii Dhuusa-Mareeb dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo Aniga un baa ka talinaya, ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.
Wuxuu sheegay in aysan marnaba suurtagal aheyn in madaxweyne sidaa ah sida uu hadalka u dhiggay dalka lagu aamino.
Hadalka Axmed Madoobey ayaa imana xili xalay lagu kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb kaddib markii leysku mari waayay arinta gobolka Gedo oo madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ay ku kala aragdi duwannaadaan.
Madaxweyne Axmed Madoobe “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday see buu Soomaaliya u xukumi karayaa haduu 1-degmo sheegtay anaal eh oo ka soo jeeda reerkeyga ayaa daga oo anaa maamulaya doorashadeeda ” Baarlamaanka Soomaaliya ayuu dhinaca kale ugu baaqay in aysan dalkan qalalaase u horseedin isaga oo yiri ” “Waxaan rabaa baarlamaanka Soomaaliya inaa u sheego wadankaan dhibaato ha gelinina” ayuu xiligaasi ka sheegay magaalada Dhuusamareeb.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dhinaciisa mar walba diyaar u yahay in xal loo helo khilaafka taaggan, hasse ahaatee dhinaca madaxweynaha Soomaaliya arintaa dhinaciisa suurtagal ka aheyn.
Feberaayo, 06, 2021 Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday barlamaanka Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan hirgalinta heshiiskii doorashada uu barlamaanku meel mariyay.
‘Waxaan halkaan ka caddaynayaa in aan diyaar u nahay hirgalinta heshiiska doorashada, waxaan idinka codsanaynaa inaad nagu garab siisaan sidii aan ugu qancin lahayn walaalaheen in ay heshiiska qeyb ka ahaadaan,” ayuu madaxweynuhu ka yiri barlamaanka hortiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay muddo shan jeer ah inuu tanaasul ka sameeyay khilaafka arrimaha doorashada, isagoo tilmaamay hadduu heshiisku socon waayo inuu barlamaanka dib ugusoo celinayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku sheegay in ay jirto faro galin shisheeye oo dabada ka riixaysa in aan lagu guulaysan heshiiska doorashada. Wuxuuna ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto cidda fara galintaas ku haysa doorashada heshiiskeeda.
sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen in la fuliyo heshiiska doorashada, dowladdana ay tiro dhowr jeer ah u dirtay baaqyo iyo wafdiyo ay ku doonaysay in lagu qanciyo in ay heshiiska qeyb ka ahaadaan.
Wuxuuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sheegay heshiiska la diidan yahay in ay gacantooda kusoo qoreen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada gaar ahaan madaxweyne Deni oo uu sheegay inuu gacantiisa ku qoray
Feberaayo, 06, 2021 Kaddib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen midowga musharixiinta dalka ayeey ugu uga hadlay marxalada uu dalku marayo iyo fashilka shirkii DhuusaMareeb oo rajo badan oo doorasho laga qabay.
Midowga musharixiinta ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la lahaayeen qeybaha kala duwan si looga arinsado marxalada uu dalku marayo, madaama saacado uun ka harsan tahay muddo xilkeedka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
”Iyadoo 8 Feberaayo oo berri ah naga xigto ay ka harsan tahay muddo xileedka madaxweynaha, ayaa waxaa nasiib darro ah in aan la ogeyn dalku halka uu wajahayo, madaama aan ilaa iyo hadda heshiis buuxa laga gaarin doorashada dalka, gaar ahaan shirkii DhuusaMareeb oo ahaa rajadii ugu danbeysay ee umadda Soomaaliyeed in lagu soo kala taggay” sidaa daraadeed waxaa qasab noqotay in aan la tashi kula noqono qeybaha bulshada”
Midowga musharixiinta ayaa arin ugub ah ku tilmaamay in muddo xileedka dowladda uu dhamaado iyadoo aan la ogeyn halka uu wajahayo iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, iyaga oo ku baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay arintaa wadatashi ka yeeshaan.
Feberaayo, 08, 2021 Iyadoo ay ku egeed muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay afar sano u buuxsantay ayaa war ay soo saareen midowga Musharixiinta waxaa ay ku sheegeen in laga bilaabo maanta aysan u aqoosaneyn Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.
Muddo xileedka madaxweynaha ayaa dhamaaday iyadoo dalka uusan u diyaarsaneyn hannaan doorasho dhinaca kalana ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo cabsi laga qabo firaaq dowladdeed oo dhaca.
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
kulankan Xildhibaanada ayaa looga hadlay arrimaha cakiran ee siyaasadda sida doorashada dalka maadama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa mudaneyaashii ku dgawaaqay kutlada ayaa warbaahinta u sheegay in kulankoodii aay kaga dhawaaqeen Kutlada badbaadinta Qaranka, waxayna ku dhawaqeen guddi ka kooban 11 Xubnood.
“Madaxweynaha muddo xileedkiisa waa dhamaaday waana ku fashilmayay inuu dalka ka qabto doorasho, waana la heshiin waayay madaxda dowlad goboleedyada” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in madaxda dowlada sameyaan muddo kororsi waxuuna sidoo kale cambareeyay ciidamo uu sheegay in shalay la geeyay xarunta Golaha Shacabka, kana digay inaan markale dib loogu soo celin ciidankaas xarunta Golaha Shacabka.
Feberaayo, 09, 2021 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir mar kale isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo ka furmaya 15ka bishan Febraayo magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.
Shirkan ayaa la sheegay in loo arinsanayo fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii September 2020.
Kulanka mar kale uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii dhowr cisho ka hor lagu soo kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb ee madaxdu uga wad hadlayeen arrimaha doorashada kaddib markii leysku khilaafay arinta gobolka Gedo oo dowladd
Feberaayo, 09, 2021 Puntand ayaa sheegtay in aan lagala tashan shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay inuu 15-bishan ka dhicidoono magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, kaasoo looga tashanayo dhameystirka heshiiskii doorashada ee 17-kii september.
War kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayay Puntland ku sheegtay in ay shirkaas soo dhoweynayso, balse waxay ku talisay in lagu qabto magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galaan saamileyda siyaasada iyo beesha caalamka
“Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.
Feberaayo, 14, 2021 Kaddib shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen hoggaanka Muqdisho musharixiinta ayeey kaga dhawaaqeen in la qabanayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa ay sheegeen in dibadbaxani yahay mid lagu muujinayo sharci darrada sida ay hadalka u dhigeen uu Farmaajo wali kursiga ku sii joogo, loona baahan yahay in bulshadu muujiyaan shacuurtooda arrintaa ka dhanka ah.
Dibadbaxan ayeey sheegeen in la qabanayo maalinta Jimcaha oo ay dadku isugu soo bixi coonaan qeybaha ay magaaladu ka kooban tahay,
Midowga musharixiinta oo hadda ah garabka ugu weyn ee siyaasiyiinta mucaaradka ka ah ee ka soo horjeeda dowladda ayaa horrey ay u sheegay in Farmaajo aysan u aqoosaneyn madaxweynaha Soomaaliya tan iyo wixii ka danbeeyay 08 bishan Feberaayo oo uu ku ekaa muddo xileedka afarta sano ee xafiiska loo doortay,
Feberaayo, 14, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa shirka golaha wadatashiga ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Magacaabidda guddigan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii uu suurtagali waayay shir madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in lagu qabanayo magaalada Garowe, balse Puntland ay ka cudur daaratay.
Guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa waxay kala yihiin;-
1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.
Feberaayo, 16, 2021 Midowga Musharixiinta ayaa uga diggay dowladda Soomaaliya ay carqaladeyso dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga diggay laamaha amniga in ay is hortaagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.
‘“Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aysan carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yiri Musharax Geelle.
Midowga musharixiinta ayaa dibadbaxan ku tilmaamay in uu yahay mid nabaddeed oo shacabku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan sii joogitaanka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkiisu ku ekaa 8dii bishan Feberaayo.
Feberaayo, 17, 2021 Madaxweyne Farmaajo markale soo saaray qooraal lagu isugu yeerayo madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Bananadir, waxaana qoraalka lagu sheegay anigoo ka duulaya talooyinkii ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo, ayaa shir iskugu yeeray Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, wuxuuna socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay shirkan inuu saldhig u yahay talo-soo jeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.
Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyay Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbahana u xaaray qabsoomidda doorasho.
Shirkan uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ayaa yimid kadib markii Midowga musharrixiinta madaxweynaha ay ku dhawaaqeen in ay dhigi doonaan mudaharaad ay kagasoo horjeedaan madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale, Qaar kamid ah Midowga musharrixiinta oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ayaan markaasi waxaa ay dageen hotel naaso-hablood oo aad ugu dhow Taalada daljirka dahsoon, iyagoo ciidamo badan geeyay halkaasi.
Feberaayo, 18, 2021 Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kormeeray taallada Daljirka Dahsoon oo la filayay in lagu qabto dibadbaxa ay kol hore ku baaqeen mucaaradka.
Xubnaha Midowga Musharixiinta ee taggay taallada Daljirka Dahsoon ayaa waxaa wehlinayay oo la socday ciidamo aad u hubeysan oo ku labisnaa dharka militariga Soomaaliya, kuwaa oo ilaalo xoog leh ka hayay agagaarka guud ahaan taallada oo ay ku sugnaayeen siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in shacabku dalbanayaan doorasho deg deg ah madaama muddo xileedkiisu dhamaaday.
“Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday maanta wixii ka dambeeya wuxuu kamid yahay Musharaxiintaas, cid colaad gaar ah u qabta ma jirto ee laakiin waxaa rabnaa sharciga in aan wada ilaalino,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa intaa ku darray ” “Madaxweyne waqtiga waa ka dhamaaday waxaa rabnaa doorasho in la aado, waxaa la aamisan yahay in doorashada adiga caqabad ku tahay ka hor leexo, mudahaaraadkan ujeedadiisu waa intaas”.