Home Afsomali Dhageysi Magacyada iyo Sababta dilka 4 ta ruux ee Alshabaab toogteen

Dhageysi Magacyada iyo Sababta dilka 4 ta ruux ee Alshabaab toogteen

Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Degmada Saakow ay sheegtay.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee Degmada Saakow, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in Afartaan ruux ay yihiin jawaasiis la shaqeysa, sirdoonada Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Dadka ay dileen Shabaab ayaa kala ahaa:

1 Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa oo lagu eedeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) waa ninkii ugu da’da weynaa oo ahaa 57 sano jir ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Kenya.

Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

Dilalka ugu badan ee toogashada Shabaabka ay fuliyaan ayaa wuxuu ka dhacaa Gobolka Jubbada Dhexe oo Saldhiga ugu weyn Shabaab ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.