Home Afsomali Dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo kenya oo la soo...

Dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo kenya oo la soo gabagabeeyey

Dhegeysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.

Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan March, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah.

Dacwaddani waxay billaabatay 2014 waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood.

Soomaali aan badneyn laakiin uu qaarkood ka yimid waddammo kale sida Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Norway, Switzerland, Biljam iyo Talyaaniga ayaa yimid Hague si ay u dhiirri geliyaan ergada Soomaaliya.

Previous articleShirka sanadlaha ee shirkada somtel oo Muqdisho ka socda
Next articleFarmajo Rehabilitates Warlord Ali Mahdi By Shukri SAID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.