Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kasoo ka bilaaban doono degaanada Al-Shabaab ka jooggaan gobolka Gedo.
Abaanduulaha guutada 9-aad ee Ciidamada xooga dalka Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa sheegay in ciidaamada dowladda ay qaadi doonaan howlgal ka dhan Al-Shabaab maalmaha soo socda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in degaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin in ay dagaal uga saari doonaan.
Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay u dhameystiran yihiin qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen isla markaana ay dhawaan Al-Shabaab kala wareegi doonaan degaano hor leh.
Waxa uu ciidamada kula dardaarmay iney waajibaadkooda si sax ah u gutaan oo ay xoojiyaan dagaalka iyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
dhanka youtube a ttps://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0