Home Afsomali Dhageyso Afhayeenka Alshabaab oo ka hadlay Mowqiifka Muqtaar roobow iyo Arimo kale

Dhageyso Afhayeenka Alshabaab oo ka hadlay Mowqiifka Muqtaar roobow iyo Arimo kale

Afhayeenka guud ee ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxa uu jeediyay khudbad la dhageysan karo muddo 38 daqiiqo iyo 56 ilbiriqsi ah, tasi oo uu kaga hadlay dagaalka Shabaab iyo Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo arrimo kale.

Wuxuu yiri “Jihaadku waa cibaado ka mid ah cibaadadka Allah umadda muslimiinta ah uu ku waajibiyay uguna yaboohay ciddii u istaagta cizzi aduun iyo sharaf aakhiro, kani waa waajibin Allah uu ku waajibiyay muslimiinta in ay jihaadan, Jihaadku waa ku waajib qof kasta ama ha jihaado ama ha ka fariistee.”

Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay mowqifka Shabaab ee Muqtaar Roobow ayaa waxa uu sheegay in uu muddo dheer uu soo jiray kala duwanaanshiyo u dhaxeeyay Shabaab iyo Muqtaar Roobow kaas oo ku qotomay arrimo badan oo ay xitaa caqiidada ka mid tahay.

 

“Arrinta 1-aad: Waxaa la ogsoon yahay in waddanka ay aad ugu baahsanayeen hay’ado shisheeye oo ku gabyayay in ay yihiin samafal, kuwaas oo ku hayay dalka boob, iyo ragaadin dhaqaale, faafinayay Diintooda, anshax xumo, iyo cuduro.” Ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay intaasi kadib Shabaab in ay bilaabeen dabagal ay ku sameeyaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen goobaha ay maamulaan Shabaab, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee ay ka wadeen dalka. balse wuxuu sheegay arrintaasi in ay u cuntami waysay Muktaar Roobow, oo uu sheegay inuu garabka saarto hayadaha, difaacana ajandayaashooda, isagoo sheegay inuu xiriro hoose la lahaa, lana qaadanayay shirar hoose.

Wuxuu kaloo sheegay Cali Dheere in arrintaasi hoggaanka Shabaab aanan laga hor istaagin in ay talaabo ka qaadaan hay’adahaas, ilaa ugu dambayntii uu sheegay in ay ka saaraan gebi ahaanba degaanada Shabaab ay maamulaan.

Wuxuu sheegay intaasi kadib Roobow inuu sii waday xiriiradiisii iyo ballan qaadyadiisa, isagoo in badan ku goodin jiray inuu ka baxayo Al-Shabaab, kana hadlayo warbaahinta, kana dhaleeceynayo hadaan loo yeelin sida uu doonayo.

Arrinka 2-aad ee ay isku qabsadeen Roobow wuxuu ku sheegay Sheekh Cali Dheere in ay tahay mid uu Muqtaar ku doonayay in loo hogaansamo dalabaadka qaar ka mid ah dowladaha shisheeye islamarkaana wadada hadal lala galo Beesha Caalamka.

“Arinta 3-aad ee ay isku hayeen Mukhtaar iyo Shabaab ayaa ah mid caqiida sida uu asaguba sheegtay taas oo ah mawqifka diiniga ah ee waajibka tahay in laga qaato waxa loogu yeero Beesha caalamka, kaas oo ay xarakadu ka qaadatay mawqifkii nabiyyullaahi ibraahiim CS.” Ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in Muqtaar uu marar badan isku dayay shirqoolo isagoo la jooga Al-shabaab sida isku daygii ugu dambeeyay ee uu ku baxay balse ay Shabaab ay uga hor tageen sidii loogu tala galay.

Sheekh Cali Dheere oo arrintaas sii faah faahinaya ayaa waxa uu yiri: “Qorshaha Dowladaha shisheeye ay damacsanaayeen ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowladda Mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowladda Itoobiya. Allah mahadii waxaa ah in hubkii ay Dowladaha shisheeye  soo dhiibeen in badan oo ka mid ah ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.”

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in aysan Abuu Mansuur u hir gali doonin danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay, sida uu sheegay islamarkaana uu mari doono dariiqii ay mareen rag isaga uga horreeyay oo ay kamid yihiin Axmad Madoobe iyo Shariif Sheekh Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.