Home Afsomali Dhageyso Afhayeenka Alshabaab Sh Cali Dheere oo ka hadlay Dagaalkii Bariire

Dhageyso Afhayeenka Alshabaab Sh Cali Dheere oo ka hadlay Dagaalkii Bariire

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarayaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo fariin cod ah soo duubay ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Bariire, halkaasoo lagu dilay askar fara badan.

Cali Dheere ayaa sheegay in Mareykanka ay mar un dhadhamin doonaan xasuuqa ay u geysteen ciidamada dowladda ee ay ku weerareen Bariire.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay shalay ku beegsadeen Bariire ay ahaayeen kuwii ay soo tababareen Ciidamada Mareykanka, ayna u dhigeen cashar sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al-Shababa ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday saldhigga ciidanka Bariire uu aar-gud u ahaa dadkii rayidka ahaa ee lagu xasuuqay deegaankaas iyo deegaanka Axmed Yare ee ku yaalla duleedka degmada Jilib.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo tababaro iyo la talin siiya Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana mararka qaar ka qeyb qaataan howl galada.

Previous articleSuldaan Ismaacl Sul C/raxmaan iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Yurub, iyo Kulamo Ay Bulshada Reer Slnd La Yeelan Doonaan.(DAAWO SAWIRADA )
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo shaaciyey in xilka qaadis lagu sameeyey Madaxweynihii hoore ee Galmudug State Mr Xaaf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.