Home Afsomali Dhageyso Alshabaab oo ruux kale u toogtay Mareykanka in uu la shaqeeyo

Dhageyso Alshabaab oo ruux kale u toogtay Mareykanka in uu la shaqeeyo

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Aadan-Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ku toogteen Nin ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Mareykanka,isla markaana uu rasaas u ahaa.

Ninka ay Al-Shabaab toogteen oo lagu magaaabi jiray Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in uu kala Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka in la helo xogo lagu dili karo saraakiisha Al-Shabaab sidaasina lagu soo qabtay.

Waa qofkii ugu horeeyey oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee lagu toogto qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

29-kii Bishii April ee la soo dhaafay  ee sanadkan 2020 ayaa Al-Shabaab waxaa ay fagaaro ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ku toogteen Saddex Ruux oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala Shaqeeyeen duqeymo uu la beegsaday Saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Halkan ka dhagyaso Qaadiga maxkamadda ee riday xukunka dilka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.