Home Afsomali Dhageyso Alshabaab oo Muqdisho dad jilicsan Zakawaad ugu qeybiyeen soona soo saartay...

Dhageyso Alshabaab oo Muqdisho dad jilicsan Zakawaad ugu qeybiyeen soona soo saartay baaqyo iyo Digniino isku jira DAAWO SAWIRADA )

Xafiis lagu magacaabo Maktabka Zakawaadka ee Wilaayada islaamiga ee Banaadir ayaa lacago kumanaan kun oo dollar ah u qeybiyey boqollaal ruux oo shacab fuqaro ah kuwaas oo kamid ah dadka reer Muqdisho sida lagu qorey baraha alshabaab ku leeyihiin internetka .

Munaasabad  dadka loogu qeybinayay lacagaha Zakada ah ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dadka lagu gudoonsiiyay hantida ay xaqqa u yeesheen.

Dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada waxay gaarayeen inkabadan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.

 

Dadka sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood xitaa naafo ahaa, waxaana dhamaan dadka qaatay Zakada ay ka sinnaayeen iney ahaayeen dad fuqaro ah.

 

Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Al-Shabaab oo la hadlay dadka Zakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah.

 

Wuxuu sheekhu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadka muslimiinta is gacan qabtaan, islamarkaana isku tiirsanaadaan, isagoona dadka Zakada qaatay ugu baaqay iney u duceeyaan dadka muslimiinta ah ee laga soo qaaday hantidan.

 

Hoos ka Dhageyso codka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.