Home Afsomali Dhageyso “Amiirka Alshbaab”Xukun kasta oo ka soo baxa Maxkamda ICJ ee ku...

Dhageyso “Amiirka Alshbaab”Xukun kasta oo ka soo baxa Maxkamda ICJ ee ku saabsan baddeena waa baadil mana aqbaleyno

abaal abaal lagu gudo waa anaga dhaxeysay oo dowlada ayaa horey u diiday in alshabaab lagu daro argagixiso shaabna ay is berbar taageen dalkooda iyo dadkooda waxayna shiiciyeen in ay maxkamda aduunka go.aan kasta oo ka soo baxo aqbali doonin

Ururka Al-Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Amiirka Al-Shabaab, Sheekh Axmad Diiriye Abuu Cubeyda ayaa cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku sheegay in ururkiisu uusan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda maxkamada ICJ ee ah khilaafka badda Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan.Waxaan caalamka u sheegeynaa in badaheenu ahayn kuwa gorgortan aan ka galeyno, martina ugama noqoneyno dowlado shisheeye” ayuu yiri Abu Cubeyda.

Amiirka Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in Kenya ay haysato dhul Soomaaliyeed haddana ay dooneyso inay badda Soomaaliya ku darsato.

“Waxaa laga rabaa umadeena muslimka ah inay ku baraarugto in Kenya ay soo liqday dhul baaxad weyn, ka hor inta aysan badda u hanqal taagin, Itoobiyana waa tan hadda loo saxiixay Dakado dhowr ah, dalkuna wuxuu ku socdaa in la wada xaraasho haddii aydaan ka hortagin”.ayuu sii raaciyay Abu Cubeyda.

Abuu Cubeyda hogaamiyaha Alshabaab ayaa cajalada maqalka ah ee uu soo saaray waxa ay soconaysaa muddo labaatan daqiiqo ah waxa ugaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dowlad goboleedyada,maalgashiga dalka,arrimaha Kismaayo iyo Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.