Home Afsomali Dhageyso AMISOM oo dishay 17 arday , macalinkoodii iyo Wariye ka...

Dhageyso AMISOM oo dishay 17 arday , macalinkoodii iyo Wariye ka dib weerara lagu qaaday

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen deegaankaas, kaddib markii qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen oo ku safrayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in dad rayid ah ku laayeen Deegaanka Lafoole ee kuyaala duleedka magalaada Muqdisho, kadib markii halkaasi lagu weeraray.

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qarax ku bilaawday oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.

Weerarka ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay wadeen howgallo balse ay la kulmeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kaas oo geestay khasaaro kala duwan.

Dadka deeaganka qarkood oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay dileen 17 Arday iyo Macalinkooda xili Ardaydaas laga soo daayay mid ka mid ah Iskuulada ku yaalla deegaanka Lafoole.iyo sidoo kale Cabdi Caluug oo hooyadiis oo waayeel ah ku hayay gurigiisa

Dadka geeriyooday waxaa ku jira Wariye ka tirsanaa Idaacad ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu Magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad.

Waxaa Arintan Naxdinta Leh Ii Xaqiijiyey Maamulka Idaacadda Dayax oo ku taalla degmada Afgooye, Wariyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana ugu dambeyntii uu ku dhintay Isbitaal ku yaalla Muqdisho Oo Dhaawac Ahaan Loo Keenay Wariyaha Wuxuu Macalin Ka Ahaa Iskuul Ku Yaala Degaanka Lafoole waxaana Ku dhacay dhoor xabadood Qeybaha Sare Ee Jirkiisa

Xaalada Goobtii weerarka iyo dagaalka ka dhacay ayaa degan waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hadda Gacanta ku haya.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in Ciidamada AMISOM ay si bareer ah u dileen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole, waxaana dadka  ay laayeen Ciidamada AMISOM ku jira arday iyo dad kale oo badan .

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya ciidamada AMISOM dadka ay laayeen in ay ka badan yihiin 10-qof, dadkan ayaana ciidamada AMISOM si bareer ah u dileen.

Goor danbe ayaa diyaarad helikabtar ah qaaday  Dhaawacyada Ciidamada AMISOM ee ka soo gaaray qarixii lagula  Eegtay Wadada Lafoole.

Khasaaro Aad u weyn ayaa soo gaarey Ciidamada AMISOM Sida wararku Sheegayaan Waxaa Xiran Dhamaan Wadooyinka Soo Gala Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabelaha Hoose.

Dhnka yuoyube ka  https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.