Home Afsomali VIDEO Dhageyso Askari ka tirsan Ciidamada bolice-ka ” ma haboona in ay...

VIDEO Dhageyso Askari ka tirsan Ciidamada bolice-ka ” ma haboona in ay hoteelada inoo seexdaan dalkiina noo xoreynwaayaan hadana ilmihii naga dardaraan albaabkiina naga xirtaan sidii dad aboola qaba ( DAAWO SAWIRADA )

Xili ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka Bini aadanimo ee laga ee deynaayo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee ka howlgalay gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa soo baxayso eedeymo cusub oo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Dajuubit kaga Imaneysa bulshada ku dhaqan Magaalada Buulo burte oo ka tirsan goboka hiiraa.

Amed ayaa sheegay in shirkiisa jaraaid uu u qabtay ay tahay in lala ogaado wixii dhacay wuxuuna baaqyo kala duwan u kala diray Urur goboleydka IGAD madaxda Ciidmamada Midowga Afric ee AMISOM heyadaha u dooda xaquul insaanka  madaxweynaha dowlada fadaraalka raiisal wasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka .

dhawan ayey aheyd markii shil gaari beebaha ah uu ka dhacay magaalada Buulo burde Ilaa 4 gabdhood ayey wax yeelo ka soo gaartay halka mid ka mid ah ay u geeriyootay shilkas .

hablaha ay waxyeeladu soo gaadhay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay

  1. Maryan Axmed barrow Maxamed dhaawacc xaga indhaha ah
  2. Iqra Xasan Sabriye
  3. Sacdiyo macalin dhicisow ilmo la soo dhaceen
  4. Maxuumad Anfac Maxamuud Maxamed.

Kormeere 3aad Axmed Barow Maxamed oo ka tirsan Ciidamada Boiliiska dowlada ayaa uga waramay Golaha Midnimada soomaaliyeed Somali community  xafiiska Goluhu ku leeyahay magalada Muqdisho.

axmed-baro-1

wuxuuna ka codsaday madaxda sare ee dowlada iyo saraakiisha hogaamisa ciidamada AMISOM in ay garab ku siiyaan daaweynta gabadhiisa Maryan oo dhawac xaga araga ah shilkaasi ka soo gaaray .

barow ayaa xusay in uu dhaqaale ahaan iska bixin karin qarashka isla markaana uusan awoodin in uu dalka dibadiisa u qaado .

axmed-baro-2

“waa la wada ogsoon yahay daruufta ciidamada dowlada somaliya ku sugan yihiin in kasta oo aan jecleyn in aan wax ka sheego hadana ma heysto dhaqaale aan dalka dibadiisa ku geeyo ooh al barishtimool uma iibin karo gabadheyda xanuunsan oo waxaan ahey abe wax dhalay oo aan awoodin dhaqaalaha ku baxaya dhaaweynta gabadhiisa ayuu yiri

axmed-baro-4

Wuxuuna ku daray isaga oo hadalkiisa sii wato “sidaan u laheyn jabuutiyey hororka iyo waraabaha ka soo hoyo ayey noo shaqeyn waayeen ,mana haboona in ay hoteelada inoo seexdaan dalkiina noo xoreynwaayaan hadana ilmihii naga dardaraan albaabkiina naga xirtaan sidii dad aboola qaba hadii ay iyagu burburi lahaayeen ciidankeenu sidaan uma galeen .

axmed-baro-3

“walaaheena sidii aan ugu hiilinay nooguma hanbeyn ayuu si caro ka muuuqato u yiri askarigaan ka tirsan ciidamada booliska oo gabadhiisa maryan ay ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay magaalada Bulo burde ee gobolka Hiiraan .

“ilmihii ayey naga dhaawaceen albaabadey naga xirteen taleephonada ayey nagu dhageysteen madaxda ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Djibouti “

“ Anigu dowlada soo gurmatay oo leh hiil walaal ayaan nahay oo aan sidii aan rabnay wax noogu qaban waxaas ayaan ku sameynayaa maba lihi waxaan rabaa heer caalami ama heer dowladeed in wax looga qabto .

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.