Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir oo saxaafada la hadlay ayaa ka hor-yimid qaabka uu u socdo howlgalada hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in hal gobol oo kaliya la bartilmaameedsanayo.
Axmed Daaci Carabka ku adkeeyay Hub ka dhigista ka socoto Magaalada Muqdisho oo micnaheedu yahay hal Ama hal beel taasna aan loo dul qaadan karin.
Codka liinkiga hoose ka dhageyso
“Marka hore hub ka dhigis waa fiican tahay, waa in Cadawga hubka laga dhiigaa, oo la wiiqaa, kaddibna tuug saqajaan iyo burcada hubka laga dhigo, laakiin in hubka in laga bilaabo dadkii cadawga bartilmaameedsanayay ama siyaasiyiinta taas sax ma ahan”ayuu yiri Axmed Daaci.
Axmed Daaci ayaa sheegay in hub ka dhigista maalmahan ka socota Muqdisho uu yahay mid dowladda dhexdeeda hubka iska dhigeyso, oo aan shacab iyo dad kale la aadeyn sida uu hadalka u dhigay.
“Waa ogtihiin markii Madaxweynaha la dooranayay sida loo soo dhoweeyay, laakiin ma aheyn waxa laga sugayay in Cadawga dadka sacbooley looga dhigo. marka hore waa in cadawga la xoreeyo, laakiin iyadoo cadawga la xoreyn miyaa cadawga loo xoreynaa”ayuu yiri Axmed Daaci.
Axmed Daaci ayaa sheegay in beryahan dadka hubka laga dhigayay ay u badnaayeen ciidamada milateriga ee ka yimid shaqooyinkooda ama u socday, waxaana uu wax lala yaabo ku tilmaamay in askari dowladeed ee hubka laga dhigayo, kii Shabaabna hubka heysto, hadhowna uu askarigii oo sacbooley ku dilayo.
“Beryahan waxa hubka laga dhigayay waa ciidamadii shaqooyinka ka yimid ama u socday, laakiin nin qorigiisa ku gambanayo, in qoriga laga qaado, shabaabkana uu qori heysto wallee maaha isaga hala gowraco”ayuu si kulul u yiri Axmed Daaci.
Xiisad ayaa laga qabaa in ay arintaan ka dhalato waxaana isa soo taraayo Cabashada ka imaaneysa Qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Beelaha Kale.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view