Home Afsomali Dhageyso Axsaab Siyaasaadeed waxaa sameyn kara dad wadaniyiin ah 4.5 waxaa looga...

Dhageyso Axsaab Siyaasaadeed waxaa sameyn kara dad wadaniyiin ah 4.5 waxaa looga gudbi karaa xisbiyada oo mabaadii isku raaca

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa kaga digay Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka ka jira in qabiil ay ku saleeyaan hanaankooda Axsaab.

Jawaari oo shalay ka qeyb galay Xafladd lagu gudoonsiinayay Shahaadooyin qaar kamid ah Xibsiyadda Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn in qabiil lagu saleeyo hanaanka xisbiyadda.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaliya Jawaari ayaa sheegay in la xalin doono tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah xisbiyadda oo ku aadan in wax lagu xulo qaab 4.5, islamarkaana dhankooda loogu baahan yahay In ay ka fogaadaan in qabiil ay wax ku xushtaan.

Shalay oo sabti aheyd Guddiga doorashooyinka qaran ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay qaar kamid ah xisbiyadda dalka ka jira, iyadoo lagu wado in xibsiyo kale la la gudoonsiiyo shahaadooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.