Home Afsomali Dhageyso Beelaha lisaan iyo eelaay oo dad iska dileen mag ,diyo ahaan...

Dhageyso Beelaha lisaan iyo eelaay oo dad iska dileen mag ,diyo ahaan u kala qaatay 213 Neef oo Geel ah

Munaasibad ka dhacday Qeybo ka tirsan Gobolka bay isla markaasina ay ku kala qaateen diyo ahaan 213 Neef oo geel ah

Maxkamadda Alshabaab ee Bay iyo Bakool ayaa beesha Leysaan u xukuntay in ay diyo la adkeeyey  ka qaataan beesha Eelaay kadib sedax Nin oo laga dilay Leysaan, waxaana ka qeybgalay Madax ka xiligii  ay diyada kula wareegaysay beesha Leysaan.

Fagaare kuyaal deegaanka Buush-Madiino ayay beesha Eelaay ku wareejisay 213 Neef oo Geel ah, dad badan ayay ka dhaadhici weysay in dhiigga halkii Nin laga bixiyo 100 Neef geel ah waana fadli lagu helay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Beesha Eelaay waxaa Fagaaraha deegaanka Buusha Madiino looga Tiriyay 213 Neef geel ah iyadoo laga sugayo 87 neef oo ku haray, Madaxda dhaqanka ee beesha Leysaan ee diyada lasiiyay ayaa iyana warbaahinta u sheegay in ay ku qanceen xukunka Maxkamadda ayna ku faraxsanyihiin in Boqolaal Neef geel ah diya ahaan u qaataan.

Wadarta diyada ayaa ah 300 Halaad Geel ah waxaana laga bixiyay 3 Nin oo beesha Eelaay ay horay uga dishay beesha Laysaan.

Dhinaca kale Beesha Gaaljecel ayaa Boqol neef geel ah ka qaadatay beesha Garre kadib markii beesha laga dilay Nin, munaasabad ka dhacday deegaanka Bisaq Adde ee duleedka Buurhakaba ayay beesha Gaaljecel 100 Neef ugala wareegtay walaalahooda Beesha Garre.

Maamuladda islaamiga ah ee kajira Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa dib usoo celiyay karaamadii ay lahaayeen shacabka waxaa yaraaday falal dambiyeedyada, soomaaliya aad ayay ugu yareed in 100 neef geel ah laga bixiyo diyada Ninka ragga marka ladilo badanaa waxaa kiisaska nuucaan ah lagu dhammeyn jiray xeer jajab iyo bac madoow arrinkaas oo caan ka noqday dalka.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.