Home Afsomali Dhageyso Bile Nuur oo koronto qabatay iyo Maxamed Cabdiraxmaan oo ka...

Dhageyso Bile Nuur oo koronto qabatay iyo Maxamed Cabdiraxmaan oo ka fuji islahaa oo u wada dhintay dhacdadaas

Aroornimadii saaka ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay 2 wiil oo dhalinyaro ah,kuwaasi oo la sheegay in ay dhimashadooda sabab u ahayd koronta qabatay xili ay meel wado ah marayeen.

Wiilashan oo da’dooda lagu qayaasayo 16 ilaa 15 ayaa ku dhintay xaafad ku taala nawaaxiga xarunta Degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho,sida uu soo sheegayo Abuukar Xaaji Goob Doon oo ka tirsan Wakaaladda SONNA.

Wiilashan ayaa la sheegay in marka ay korontadu qabanaysay ay marayeen wado yer oo ciriiri ah,sidaasina ay ku qabatay koronto ku xirnayd Balo halkaasi ku yaalay,halkasi waxa ku dhintay mid kamid ah halka midkii kale oo sakaraad ahaa muddo daqiiqado ka dib uu u dhintay waxyeelada korontada.

Mid kamid ah wiilasha geeriyooday ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo oo ku taala Suuqa Bakaaraha,halka kan kalana wararku ay sheegayaan in uu u socday goob uu ka dhigta GYM ama Jimicsi jirdhiska.

Awooda danabka ka dhasha korontada ayaa ah mid si fudud ku dili karta nafta bani’aadamka,iyadoo inta badan ay dhacdo xiliyada roobka uu da’ayo oo korantado ay saameyn teedi leedahay iyo dayacaad ku timaada xiliyada qaar hamka korontadaasi ay u sameysan tahay,wadooyinkana lagu arko koranto dhultaala,taasi oo waxyeelo garsiin karta bulshada

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.