Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta buux dhaafiyay xaafadda cusub Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.
Dadkan oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Saaladda Ciidul Adxa ku oogay barxadda Masjidka Daaru-Salaam.
Sidoo kale Caruur, Haween iyo Qurbe Joog Soomaaliyeed ayaa u dalxiis tagay deegaanka qurxoon ee Daaru-Salaam.
Agaasimaha guud ee beerta Daaru-Salaaam Maxamed Maxamuud Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah fahin ka bixyay agabyada ay sanadkan soo kordhiyeen.
Waxaana uu sheegay in isbedal ballaaran ay ku sameeyeen beerta Daaru-Salaam iyo qeybaha kale ee ay ku cayaaran Caruurta.
Daaru-Salaam oo ah meel ku haboon Dalxiiska ayaa waxa u damashaad taga Ciid kaste dadweynaha ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ee kunool ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta u damaashaad tagay degaanka Daarul Salaam duleedka Magaalada Muqdisho.