Home Afsomali Dhageyso boqortooyada U.K oo Ciidamo u tababareyso Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhageyso boqortooyada U.K oo Ciidamo u tababareyso Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xili uu ka soo kabanay burburkii gaaray  xiliyadii dagaalada ayaa deegaanada maamulka koofur galbeyd  waxaa gaaray Wafdi ka socoda Dowladda Ingiriiska, waxaana ay sheegeen in ay Ciidamo u tababaraan  Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiinta dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in ay tayaynayaan tababaro heerkiisu sareyana ay siin doonaan ciidamada maamulka koofur galbeed soomaaliyeed ee ka howlgala 3 gobol ee uu maamulka hoos yimaada.

Ciidamadaan la tababarayo ayaa laga doonaya in ay sugaan amaanka guud ee degaanada Koofur galbeed sidoo kalena ay Al-Shabaab ka saaraan degaanada ay hada ku sugan yihiin.

Ku simaha madaxweynaha maamulka koofur galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in wafigaan ay la kulmi doonaan madaxweynaha koofur galbeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka mid tahay dowladdaha sida toos ah u taageerada maamulkooda.

Wafdigaan ka socday Dowladda Ingiriiska ee shalay Baydhabo gaaray ayaa waxa ay sidoo kale la kulmeyn guddoomiyaha baarlamaanka koofur galbeed, Saraakiisha Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida Koofur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.