Home Afsomali Dhageyso Cabdi Qeybdiid Galmudug 4 dhib ayaa heysata waana kala Maqan tahay

Dhageyso Cabdi Qeybdiid Galmudug 4 dhib ayaa heysata waana kala Maqan tahay

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii Cadaado u tagtey qaboojinta xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, ayaa faah faahiyay wixii ay Cadaado kala kulmeen.

Waxa uu sheegay in Arbacadii ay hal meel isugu keenayn Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad Baarlamaanka Galmudug oo isu dhinac ah iyo Madaxweyne Ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo dhinaca kala ahaa, ayna ku guuleysteen inay wada heshiisiiyan, sidoo kalena ay u sameeyen khariirad ay ku wada shaqayn karaan, si khilaaf dambe oo dhexdooda ah aanu u imaan.

Wixii lagu heshiiyay si loo dhaqangeliyo, ayuu sheegay inay diidmo kala kulmeen Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo soo istaagay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, ayaa tilmaamay in uu jiro nin kale oo gadaal ka taagan Madaxweyne Ku xigeenka, kaas oo xusul duub ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

hoos ka dhageyso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.