Cabdiweli Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya islamarkaana ah kusimaha gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dastuurka dalka ee hadda lagu dhaqo uusan ahayn midkii ay ansixiyeen odayaasha dhaqanka soomaliyeed.
Distuurkii saxda ahaa ee Soomaaliya waa la dhumiyay oo meyl malgu sheego ayuu yiri mr Muudey.
Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey ayaa waxa uu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dastuurka hadda ay ku shaqeyso Dowladda Soomaaliya uusan ahayn dastuurkii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, islamarkaana Midkii Saxda ahaa la xaday.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalalka Shisheeye, islamarkaana ay hadda ay muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayuu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan.
Muudey ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay dhaqaale iyo maskax ahaan awooddo in ay sameyso dastuur Soomaaliyeed.