Home Afsomali Dhageyso Cabdullahi cilmooge Xersi Kismaayo 5 sano ayaa Dhuxushii la gurayaa...

Dhageyso Cabdullahi cilmooge Xersi Kismaayo 5 sano ayaa Dhuxushii la gurayaa dalkiina maamulkaasi ma xoreyn

Cabdullaahi Cilmooge Xersi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Saacid,isla markaana hogaamiya mid ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa ka hadlay xiisadaha Siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday deegaanada Maamulka Jubbland.

Waxa uu sheegay in maalin walba ay cabasho uga timaado dadka degan Jubbooyinka,sidoo kale dhammaan la xaalufinayo dhirtii deegaanada Jubbaland dalka dibadiisana loo dhoofiyo Dhuxusha.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Axmed Madoobe hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland uu yahay mid kaligiis talis ah oo jecel in kaligiis uun uu wax maamulo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Axmed Madoobe ku dhaliilay in uusan ku guuleysan in uu xureeyo deegaanada ka maqan Maamulka Jubbland sidaas dareedeedna uu isagu u yahay musharax Maamulka Jubbaland.

Sidoo kle Cabdullahi cilmooge Xersi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay iclaamisay dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdullaahi Cilmooge Xersi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.