Home Afsomali Dhageyso Ceelbuur goobihii ay ka baxeen ciidamada Ethiopia oo aan AMISOM ka...

Dhageyso Ceelbuur goobihii ay ka baxeen ciidamada Ethiopia oo aan AMISOM ka tirsaneyn ayaa lagu arkay meydad badan

Meydad laga helay Saldhigyo Ciidamada Ethiopian-ka baneeyeen oo ku yaalla Ceelbuur waxaana jiray in horey ciidamada loogu eedeeyey in ay sameynayaan falal argagax leh sida in ay dad shacab ah gowracaan

Safiirka dalkaasi Ethiopia ayaa sheegay in caadamada ka baxay celbuur in aysan ka mid aheyn ciidamada nabadilaalinta ee Midowga Afrca balse halkaasi ay u joogeen isfaham dhaxmaray dowladii waqtigeedu dhamaaday sidaana ay howlgalo aan cidi la ogeyn ka sameynjireen

Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo ay isaga baxeen Ciidamada Ethiopia ayaa ku soo warramaya in Tiro Meydad ah laga helay Saldhigyada ay baneeyeen Ciidamadaasi Ethiopia.

Meydadkaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ahaayeen Dad ay dileen Ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa bur bur xoogan uu ka muuqdaa Guryaha dhowr Sano ka hor ay degenaayeen Dadka Shacabka ah ee ku yaalla Degmadaasi Ceelbuur.

Ethiopian-ka ayaa la sheegay in Guryahaasi ay kala baxeen Al Baabadii iyo Daaqadihii intaba.

Ilo deegaanka ah ayaa saaafada u xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopian-ka ay haatan ku sugan yihiin meel qiyaastii 5 km u jirta Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana Dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan Madaafiic ay Ciidamada Ethiopia ku soo tuuraan Magaaladaasi Ceelbuur oo haatan ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.