Home Afsomali Dhageyso ciidamada kenya oo laga eryey dhul cusub oo y ka calaameysanayeen...

Dhageyso ciidamada kenya oo laga eryey dhul cusub oo y ka calaameysanayeen xaduud beenaadka

Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Kenya is rasaaseyn ay ku dhexmartay Xadka ay wadaagaan Sooamaliya iyo Kenya.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in israsaaseyntaan ay timid kadib markii Ciidanka Kenya la arkay iyagoo Cabiranaya Dhulka Soomaaliyeed islamarkaana u muuqday sida uu Sarkaalkaan tilmaamay kuwa doonayay in ay Dhul ballaarsi ka sameystaan halkaas.

Waxaana taasi ay ka careysiisay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan halkaas iyadoona Rasaas ay isweedaarsadeen iyaga iyo kuwa Kenya ee Dhul Ballaarsiga ka billaabay halkaas.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Is Rasaaseyntaasi ka dhacday Degmada Ceelwaaaq ee Gobolka Gedo taas oo u dhexeysay Ciidamo kala taabacsan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho ku jooga Dalka Kenya iyadoona heshiis dhinacyo taabanayo uu la soo gaaray Dhigiisa Kenya ,balse waxaan la ogeyn sababta ka dambeysa Dhul ballaarsiga ay billaabeen Ciidamada Kenya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.