Home Afsomali Dhageyso Ciidamada walaalaheena ah ee Ethiopia ayaan ka sugeynaa hubka iyo risaastii...

Dhageyso Ciidamada walaalaheena ah ee Ethiopia ayaan ka sugeynaa hubka iyo risaastii wadooyinka lagu furi lahaa diyaarad ayaan sidii taksi ku …….

kulan looga hadli lahaa waddooyinka degaanada Koofur galbeed sidii loo furi lahaa ayaa arintaasi ka biya diiday Taliyaha Ciidamada Itoobiya,

Xildhibaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyey in ay kala xiran yihiin wadooyinka deegaanada maamulka Koofur galbeyd oo aan degmo degmo kale safar u aadi Karin

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf Balack oo ka mid ah Baarlamaanka Koofur galbeed ayaa sheegay inaysan Ciidamada Itoobiya daacad ka ahayn inay furaan wadooyinka ay jareen Al-Shabaab.

Waxaan ku socono waa diyaarad dhulka lama mari karo waxaana haboon in ay iska kaashadaan furitaanka cidamada dowlada iyo kuwa Walaalahena Ethiopia ayaa yiri xildhibaan laga soo doorto Gobolada bay iyo bakool wuxuuna hadalkiisa ku daray isaga oo sii watay in wadooyinka ay joogaan ciidamada dowlada lagu kufsado haweenka ayna ka dhacaan xadgudubyo ka dhan ah bini aadanka

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.