Home Afsomali Dhageyso Ciidamo Dowlada ka wada tirsan oo ku dagaalamay dhul ku yaal...

Dhageyso Ciidamo Dowlada ka wada tirsan oo ku dagaalamay dhul ku yaal deegaanka Haanta dheer ee Dayniile iyo dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan

Iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Barqanimadii maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidamo milatari ah ay isku dayeen in ay si qasab ah ku dhistaan dhul ku yaalla nawaaxiga xerada 77 ee degmadaasi.

Waxaana la sheegay in tallaabadaasi ay ka horyimaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Deyniile, taas oo sababtay in Iska hor imaad xoogan uu ka dhaco halkaasi.

Ā Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 Qof oo Rayid ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo laba ka mid ah ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidamada maamulka degmadaasi.

Nabadoon Cabdi Mahad Alle oo ka mid ah waxgaradka deegaanka oo kaĀ  hadlay ayaa ka warbixiyay Iska hor imaadkaasi, isagoona ugu baaqayĀ  dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dagaalladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.