Kulan Balaaran oo ay iskuugu yimaadeen Midowga ururada haweenka Somaliyeed Gudaha magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug iyo sidii looga tashan lahaa abaaraha dalka ka jira .
Kulanka oo ahaa mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa diirada lagu saarayey khilaafka hareeyey madaxda iyo masuuliyiinta maamul Goboleydka galmudug State iyo sidii loogu gurman lahaa Gobolada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen .
Haweenkii ka kala socday ururada bulshada iyo kuwa haweenka ayaa ka faalooday doorkooda waxayna ka soo saareen baaqyo iyo talooyin Muhiim ah
Haweenka ayaa fariimo u kala diray madaxweynaha galmudug iyo xildhibaanada waxayna sidoo kale talo u soo jeediyeen bulshada ku dhaqan guud ahaan galmudug gar ahaana reer cadaado .
Dodo dheer iyo falan qeyn ka dib ayey haweenku soo saareen warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin waxaana saxaafada u aqrisay suhuura ibraahim xersi
Nuqul ka Mid ah oo aan nasiib u yeelanay in aan helno ayaa sidaan u qoraa
Warsaxaafadeed waxaa manta oo ay taariikhdu tahay 21-01-2017 shir iskuugu yimid qaar ka mid ah haweenka hogaamiyeyaasha somaliyeed ee Ku dhaqan magaalada Muqdisho si ay wax uga yiraahdaan Marxalada dalku marayo warsaxaafadeedna uga soo saaraan .
Waxay haweenka hogaamiyeyaasha somaliyeed ay muujiyeen in ay aad uga xun yihiin abaarta ,colaadaha iyo degenaasho la.aana siyaasadeed oo uu dalku maray .
Haweenku waxay tacsi u dirayaan dhamaan eheladii uu dadkoodu ku dhintay qalalaasihii galmudug ka dhacay ,waxay kaloo kabasho u rajeynayaa dhaawacyadii meesha ka dhacay .
Waxaan ganacsatada iyo qurba Joogta waxgaradka somaliyeed iyo beesha caalmka ka codsaneynaa in si hagar la.aan ah loogu gurmado ddka ay abaaruhu tabaaleeyeen .
Waxaan ka codsaneynaa in la joojio qalalaasaha siyaasadeed oo ka taagan Galmudug State iyada oo la xaq dhowrayo tastuurka qoran ee maamulka Galmudug oo ahaa kii horey wax loogu doortay Mana rabno daka iyo dalka in dib loogu celiyo is qabqabsi iyo jahwareer .
Waxaan codsaneynaa in la barto kaljarka ah in loo hogaansamo Sharciga Shariguna uu sareeyo oo uusan qofna sharciga ka sara marin .
Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa odoyaasha ,dhalinyarada ,haweenka iyo guud ahaan waxgaradka galmudug gaar ahaan dagmada cadaado oo muujiyey Masuuliyad wanaagsan oo ay sharciga ku ilaaliyeen
Wabilaahi towfiiq
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0