Home Afsomali Dhageyso Cosoble Madaxweynaha Sharciga ah waa aniga Wixii kale waa Xaaraan Qadcan...

Dhageyso Cosoble Madaxweynaha Sharciga ah waa aniga Wixii kale waa Xaaraan Qadcan ah

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ay Xildhibaanada Hir-Shabeelle xilka qaadista ku sameeyeen 14 Bishii la soo dhaafay ee August ayaa ka hadlay doorashadii Madaxweynaha ee Maanta ka dhacday Magaalada jowhar.

Isaga oo ku sugan dalka Kenya ayuu Caawa Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Radio Dalsan xarunta Muqdisho waxa uuna sheegay in uu gebi ahaanba qaadacay doorashadaas.

“Wixii ka dhacay Jowhar waa dulmi dulmi lagu daray anigu waxan ahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Hir-Shabeell,sisharci ah ayaa ley doortay sisharci ahna xilka leygama qaadin, balse xilka qaadistaas waxa ay aheyd qorsho la soo abaabulay oo ay dowladda dhexe ka dambeysay ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale Cosoble ayaa la weeydiiyay Su’aal aheyd maadaama Madaxweynaha Maanta la doortay aad iskuheyb tihiin in uu hiiraan tago bulshadana uu ka dhaadhiciyo in ay la Shaqeeyaan ma suurtagalbaa Maadaama adigu aad sheegtay in aad fadhi ka dhigatay Baladweyne waxa uu ku jawaabay.

“ Walahi horta Ninkaas  waa nin saaxiibkey ah waana nin reer Hiiraan ah oo lagu qalday in doorasho  ka dhaceyso Jowhar sidaasna ku tegay wax dembi ahna kuma laha balse xaqiiqda marka laga hadlo markii ley dooranayay meel fagaaro ah ayaa leygu doortay welina madaxweynaha Sharciga ah ayaan ahay cidii dhibaatadaan wadana iyada ayay ku soo noqon doontaa”

Waxa kaloo la weeydiiyay maadaama uu haatan ku sugan yahay Kenya isla markaana uu la kulmay Xubno ka socda Beesha Caalamka iyagu makula qabaan in aad tahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Hir-Shabeelle waxa uuna yiri.

“ Horta marka ugu horeysa Sharciga waa in ay qofta iyada taqaanaa kuna taagan tahay ayaa muhiim ah,beesha Caalamkana iyada waa ay ka hadashay qoraalo waa ay soo saartay dowladdana weey kala hadashay, qof walbana way ogtahay in doorasho  aysan ka dhicin jowhar ayuu yiri Cali Cabdullaali Cosoble.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cali Cabdullaahi Cosoble:

 

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.