Home Afsomali Dhageyso C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay Shacabka in ay taageeraan...

Dhageyso C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay Shacabka in ay taageeraan Maxamed C/laahi (Farmaajo) cafisna weydiistaan alle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqasho ku jooga Magaalada Qaahira ee Xarunta Wadanka Masar ayaa kula kulmay C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa yeeshay kulan xog wareysi oo ku saabsanaa marxaladda dalka, halka ay dowladdu ku jiheysan tahay iyo waxyaabaha laga bartay xaaladihii adkaa ee dalka uu soo maray.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in maanta uu Magaalada Qaahira kula kulmay Cabdiqaasim Salaad Xasan, isla-markaana uu warbixin ka siiyay xaaladda dalka.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku baaqay in la taageero Maxamed C/laahi (Farmaajo) ka dib markii uu ku soo baxay doorashadii xafiiska Madaxtooyada, ee 8-dii bishii February lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

C/qaasim Salaad Xasan oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya yeelato, kadib burburkii Dowladdii Militariga, ayaa sanadihii ugu dambeeyay deganaa Magaalada Qaahira.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.