Diyaarado Dagaal ayaa duqeyn qasaro geysatay ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Gedo halkaasi oo Qasaaro la xaqiijiyay inuu ka dhashay,
Duqeymaha ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee Dowlada Kenya ayaa lala Beegsaday Degaano ku dhow Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,
Gooobaha la duqeeyay oo ay Gacanta ku hayaan Dagaaliyahanada Al-Shabaab ayaa la tilmaamay in lagu Beegsaday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi,
Sarkaal ka mid ah Milatriga Dowlada dhexe ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa sharaxaad ka bixiyay qasaaraha ka dhashay duqeynta iyo Goobaha lala eegtay,
Tan iyo Wixii ka danbeeyey galitaankii Ciidamada kenya waxaa ay duqeyn ku dishay ilaa 120
Halkaan hoose ka dhageyso