Home Afsomali Dhageyso Dagaal ka dhacay Baladxaawo iyo qasaaraha ka dhashay

Dhageyso Dagaal ka dhacay Baladxaawo iyo qasaaraha ka dhashay

Aroornimadii hore ee saakay ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilaawday qarax Ismiidaamin ah ku qaadeen degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ayaa ugu dambeyn ay Al-Shabaab la wareegen sida ay dadka deegaanka qaarkood sheegeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagalkaas oo kala gaaray labada dhinac.

Wararkii u dambeeyay ee haatan aan ka heleyno ayaa waxa ay sheegyan in Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay dib ula wareegeen degmada Balad Xaawo.

Nabadoon Idiris Aadan o ka mid ah Waxgaradka degmda Balad Xaawo ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada Guud ee xiligaan degmada Balad Xaawo.

Wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Ciiddankaasi u gudbeen Mandheera, kadib, weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Dowladda ku lahaayeen Degmadda Beled-xaawo oo masaafo ahaan 4-KM u jirta xuduudka Kenya.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Ciiddanka Soomaalida ee soo baxsatay lagu hayo Xarun ku taalla Mandheera, isla markaana lagu sameeyey Hub-ka-dhis dhamaystiran.

“Qaar ka mid ah waxay qabaan dhaawacyo,waxayna hubkooda iyo gaadiidkooda la soo galeen Mandheera” ayuu yiri Xiriiriyaha W/bari ee Kenya.

Waxa uu tilmaamay in Ciiddankaasi dib ugu laaban doonaan Saldhigooda Buulo-xaawo oo ay Alshabaab dib uga baxeen, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  Wargeyska Standard ayaa qoray inay Diyaaradaha Helikopteradda ee Ciiddanka Kenya duqeeyeen goobo ku yaalla Degmadda Beled-xaawo oo ay Alshabaab saakayto dagaal kula wareegeen.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.