Home Afsomali Dhageyso Dagaaladii Qabaa-ilada oo qaab kale isu bedelay iyo Maamulada oo kala...

Dhageyso Dagaaladii Qabaa-ilada oo qaab kale isu bedelay iyo Maamulada oo kala dhaxgalaya

 

 

Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soconaya xuduuda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Ahlusuna in maamulkiisa uu ka qeyb qaadanayo xalinta dagaalka ka soo cusboonaaday xuduuda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Dagaal beeleedyada halkaasi ka dhacaya ayaa waxa ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Dhanka kale Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta wariyaasha kula hadlay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay Dagaalka ka socda Deegaanka Beenyaalay oo hoos tago Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan isagoo ku baaqay in Sharuud la’aan lagu joojiyo.

Ugaas ayaa sheegay in dad badan ay ku dhinteen Dagaalkaasi walina uu ka socda Deegaankaasi oo ku yaala xadka Galgaduud iyo Hiiraan waxa uuna eedeen usoo jeediyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.

Ugaas Xasan ayaa ku eedeeyay Ugaas Xasanka kale in uu diiday in ay rasaasta joojiyaan Beesha uu ka soo jeedo iyo in ay isku raacaan oo ay isla tagaan aagga lagu dagaalamayo ee Beenyaalay ee Gobalka Hiiraan.

Xaaladda ayaa maanta daggan waxaana wali taagan Cabsi badan oo ka taagan Goobihii lagu dagaalamay waxayna la bada dhinac ay wadaan hub aruursi iyo Abaabul dagaal.

Wararka ka imaanaya Degaano u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo ka mida Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saakay Meydad hor leh laga helay Goobihii ay Maleeshiyaadku ku dagaalameen.

Dadka degaanka ayaa noo Xaqiijiyay in Meydadka Afar Ruux oo ah kuwii ku dhintay Dagaalkii Baanyaaleey Saakay laga helay Goobihii lagu Dagaalamay.

Sidoo kale Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa kala dhex galay Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Degaanka Baanyaaley Ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa asna ku baaqay in Dagaal Beeleedka Deg Deg loo joojiyo.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.