Aroornimadii hore ee Saakay ayaa waxaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Ajaaniib ah oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka ay qeyb ka yihiin Ciidamo Cadaan ah,islamarkaana haatan uu dagaal culus ka socdo deegaanka Bariire oo 30 KM,u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellha Hoose kaas oo u dhaxeeya ciidamada isku dhafka ah iyo kuwa Al-Shabaab.
Dhawaqa jugta Culus ee Hubka la isku adeegsanayo ayaa haatan laga maqlayaa gudaha deegaanka Bariire,mana la xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee uu geestay dagaalkaas.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in dhanka Al-Shabaab ay iyana wadaan gurmadyo kala duwan,si ay iskaga difaacaan Ciidamada Huwanta ah.
Hoos Ka Dhageyso Wariye Maxamed Cusmaan Ma’da oo faah faahinaya dagaalka ka socda deegaanka Bariire.
https://youtu.be/0XR_sO1gw50
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view